Dagaaallo u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Riddada Soomaaliya, ayaa gelinkii dambe ee shalay ka dhacay xaafadda Warlaliska ee degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.
Dagaallada ayaa lagu jebiyay maleeshiyaadka murtadiinta, waxayna ahaayeen weeraro ay dadka deegaanku kaga hortagayeen dhul-boob ay kooxda Riddadu halkaasi ka waday.
Dagaalladii shalay galab dhacay ayaa lasoo wariyay in murtadiinta looga dilay ilaa laba askari, halka nolasha looga qabtay hal askari sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.
Maleeshiyaadka murtadiinta ayaa looga itaal-roonaaday dagaalladan, muuqaal si weyn u qabsaday baraha bulshada ayaa muujinayay askari ay gacanta ku dhigayaan shacabka u hub qaatay iska dhicinta dulmiga Xasan Gurguurte.
Shariif Sheekh Axmed, madaxii hore ee kooxda Riddada oo ka hadlay dhacdadan ayaa dadka deegaanka ugu baaqay in askariga nolasha ku qabteen ku wareejiyaan ehelkiisa maadaama buu yiri aysan dowlad jirin.
Weerarka dadka deegaaanku ku jabiyeen maleeshiyaadka murtadiinta ee shalay ka dhacay xaafadda Warlaliska ee degmada Dayniile, ayaa daba socday duullaan kooxda Riddadu kusoo qaadaya xaafaddaasi oo isugu jiray burburin dhul iyo dad shacab ah oo ay kooxda Gurguurte ku dishay xaafaddaasi.
Ilaa 3 qof oo rayid ah ayay maleeshiyaadka Riddadu ku dileen xaafaddan, halka ay burburiyeen guryo badan, balse gelinkii dambe ayay dadka deegaanku weerar kaga jawaabeen duulaanka murtadiinta, goobtana ku jabiyeen maleeshiyaadkii duullaanka ahaa.