Wararka ka imaanaya gobolka Oromia ayaa sheegay, in kooxo looga shakiyay jabhadda xoreynta Oromada ee magaceeda loo soo gaabiyo (OLA) ay dileen nin lagu magacaabi jiray Biniam Adugna, oo ahaa mas’uul sare oo ka tirsanaa Xisbiga talada haya ee Itoobiya ee (PP).
Sida ay sheegeen warbaahinta deegaanka iyo ilo wareedyo maxalli ah, Biniam Adugna ayaa lagu dilay gurigiisa oo kuyaal magaalada Fital, oo qiyaastii 113 KM dhanka waqooyi ka xigta caasimadda Addis Ababa.
Wararku waxay intaas ku darayaan in kooxihii weerarka geystay ay dhac ka gaysteen dhowr goob oo ganacsi iyo guryo ay dad rayid ah leeyihiin, ka hor inta aysan magaalada ka bixin.
Weerarkan waxaa sidoo kale baahiyay xarun cilmi-baariseed oo dhanka amniga oo lagu magacaabo Critical Threats Project, waxay na kusoo qaadatay warbixinteeda la xiriirta xaaladda dagaallada Itoobiya.
Ilaa hadda ma jiro xaqiijin ka timid dowladda Itoobiya iyo sidoo kale inay si rasmi ah uga dambeeyeen OLA.