Waxa loogu yeero beesha caalamka ayaa waddo cadaadisyo siyaasadeed oo ka dhan ah kooxda Riddada Soomaaliya waxaana Xasan Sheekh iyo xukuumaddiisa loogu goodiyay in dhaqaalaha laga jaran doono haddii aysan heshiis siyaasadeed lagaarin mucaaradka.
ilo wareedyo ayaa sheegaya in dowladda Turkiga ay kulamo gaar gaar ah layeelatay mucaaradka ayna ku wargelisay in Xasan Gurguurte ay geyn doonto miiska wadahadallada waxayna ka codsatay madaxda mucaaradka in ay hoos udhigaan eedaymaha ka dhanka ah xukuumadda Ankara.
Safiirka Turkiga ayaa saacadihii lasoo dhaafay Muqdisho kula kulmay Xasan Cali Kheyre,Max’med Cabdullaahi Farmaajo iyo Cumar Cabdirashiid, sidoo kale warar soo baxay ayaa sheegaya in waxa loogu yeero Bankiga adduunka uu joojin doono kabka miizaaniyadda ee uu siiyo kooxda Riddada Soomaaliya sababa laxiriira isagoo aan aqoonsaneyn muddo xileedka Xasan Sheekh.
Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa iyana ugu goodiyay xukuumada Riddada in laga qaadi doono tallaabo siyaasadeed iyo kuwa maaliyadeed haddii ay heshiis lagaari wayso mucaaradka ka hor 20 bishan November.
Cadaadisyadan waxay sii xoogeysteen wixii ka dambeeyay weerarkii deegaanka Jameeco ee dhacay dabayaaqadii bishii hore kolkaas oo ciidamada Mujaahidiinta Al Shabaab ay laayeen boqolaal katirsan maleeshiyaadka murtadiinta iyagoona qaniimeystay gaadiid gaashaaman.
Qoob gariir dhan walba ah ayaa usoo galay murtadiinta iyo dowladaha saliibiyiinta kuwaas oo ka cabsi qaba in mujaahidiintu ay dalka lawareegaan marka ay ciidamada kufaarta afrikaanta isaga baxaan Muqdisho iyo hareeraheeda.