Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Labo Trillion Oo Doollar Oo Uu Maraykanku Ku Waayay Dagaalka Afqaanistaan.(Warbixin)
  • Allposts
  • Warar

Labo Trillion Oo Doollar Oo Uu Maraykanku Ku Waayay Dagaalka Afqaanistaan.(Warbixin)

March 3, 2020

Machad ka faallooda arimaha dagaallada oo laga leeyahay wadanka Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday qarashka Maraykanka uga baxay duulaanka 19 sano jirsaday ee uu 2001-dii wadanka muslimka ah ee Afqaanistaan.

Machadkan oo ay si wadajir ah u aas-aaseen jamaacada Barawn iyo Boston ee ku yaala wadanak Maraykanka ayaa qiimeyn sanado badan qaadatay kadib, wuxuu daaha ka rogay in Maraykanku uu lacago xad dhaaf ah ku bixiyay duulaanka uu ku qaaday wadanka Afqaanistaan.

Tan iyo 2001-dii illaa iyo 2020-ka, wuxuu Maraykanka ku qarash gareeyey dagaalka Afqaanistaan lacag ka badan 2 Trillion oo dollar, sida uu sheegayo machadka Costs of War ee fadhigiisu yahay wadanka Maraykanka.

Si guud dhaqaalaha Maraykanka uga baxay dagaalka caalamiga ah ee ka dhanka ah Muslimiinta, uuna ka hurinayo wadamo dhowr ah oo katirsan caalamka Islaamka, waxay gaaraysaa 6.4 Trillion oo dollar, sida uu sheegayo machadka.

Warbixin dhawaan uu baahiyay wargeyska Washington Post ayaa lagu sheegay in dagaalka Afqaanistaan uu Maraykanka ku bixiyay lacag gaareysa inkabadan labo trillion oo dollar, waana tirada uu hadda shaaciyay machadka Costs of War ee ka faallooda arimaha dagaallada.

Washington Post waxay intaa ku dartay in dagaalka Afqaanistaan lagu dilay 6300 oo askari oo Maraykan ah, waxayna dad badani aaminsanyihiin in tirada ciidamada Maraykanka looga dilay Afqaanistaan ay aad uga badantahay intaas.

Marka laga hadlo tirada guud ee ciidamada Maraykanka, kana qeybgalay dagaalka Afqaanistaan waxay gaarayaan lix boqol oo kun oo askari, kuwaas oo 18-kii sano ee lasoo dhaafay isku bed bedelayay wadankaas, waxaana hadda Afqaanistaan ka jooga 12 kun oo askari.

Xukuumadihii is xig xigay ee Maraykanka soo maray ayaa aad uga gaabsanaya ka hadalka dhaqaalaha Maraykanka uga baxay duulaanka Afqaanistaan iyo tirada ciidamada uu ku waayay dagaalkaas, waxaase Maraykanku Afqaanistaan u arkaa inuu yahay mid uu ku khasaaray oo ay tahay in si deg deg ah loo soo afjaro.

Dhawaan ayaa maamulka Trump wuxuu si cad u sheegay in afar iyo toban bilood gudahood uu guud ahaa ciidamadiisa kala soo bixi doono wadanka Afqaanistaan, ayna reer Afqaanistaan dhisanayaan maamulka ay doonaan.

Haddii ka bixitaanka Maraykanka ee Afqaanistaan uu dhab noqdo, waxay ka dhigantahay in imaarada islaamiga ee Afqaanistaan ay la wareegto inta uga dhiman Afqaanistaan oo la eg 20%, maadaama ay hadda si buuxda u maamusho cel celis ahaan 80% masaaxada guud ee dalka Afqaanistaan.

Siyaasiyiinta Maraykanka iyo warbaahintooda ayaa sheegaya in Maraykanka uu kasoo baxayo Afqaanistaan isagoo jabay, kuna khasaaray dhaqaalihii iyo ciidankii uu u huray dagaalka Afqaanistaan ee labaatanka sano ku dhow, maadaama aanu xaqiijin hadafkii uu lahaa oo ahaa inuu kha takhaluso imaarada islaamiga ee Afqaanistaan, dalkana ka hirgeliyo dowlad isagu gacanta ku hayo, oo Dimuqraadiyad iyo wax lamid ah dalka ku hagta.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Dhageyso: Sheekh Nuur Macallin C/Raxmaan Oo Ka Hadlay Cudurka Carona Virus.
Next: Askar Lagu Dilay Magaalada Muqdisho.

Related Stories

Ciidanka Kenya Oo Toogasho Ku Dilay Qof Soomaali Ah.
  • Allposts
  • Warar

Ciidanka Kenya Oo Toogasho Ku Dilay Qof Soomaali Ah.

April 22, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -05-11-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -05-11-1447 Hijri.

April 22, 2026
Maamulka Gobolka Tigray Oo Jawaab Ka Bixiyay Go’aan Kasoo Baxay Jabhadda TPLF.
  • Allposts
  • Warar

Maamulka Gobolka Tigray Oo Jawaab Ka Bixiyay Go’aan Kasoo Baxay Jabhadda TPLF.

April 22, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada