War rasmi ah oo kasoo baxay dowlada Mareykanka ayaa lagu joojiyay dhammaan howlgalladii ay ciidamada Americanka ka wadeen dibadda sababa laxiriira cudurka Carona Virus oo halis ku haya dadka Americanka ah meel walba oo ay adduunka ka joogaan.
Mark Esber oo ah wasiirka difaaca xukuumadda Washington ayaa wareysi uu siiyay wakaaladda wararka Reuters ku sheegay in amar lagusiiyay ciidanka Mareykanka ee dibadda ku sugan in muddo 60 maalmood aysan wax dhaq dhaqaaq ah sameyn karin.
Mareykanka ayaa amarka uu kusoo rogay ciidamadiisa ka reebay askarta ku sugan Afghanistan oo loo ogolaaday in ay sii wadaan howlgalka bixitaanka, wasaaradda Gaashaandhigga Pentagon waxay sheegtay in taliska ciidanka Americanka ee Afghanistan lagu wargeliyay in uu sii wado diyaar garoowga bixitaanka ciidamada si loo fuliyo heshiiskii Dooxa ee dhaxmaray Imaarada Islaamiga ah iyo Mareykanka oo dhigayay in muddo ku siman 135 maalmood wadanka looga saaro ciidamo dhan 8,600 oo askari.
Amarka kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa ku socda in kabadan 90,000 askari American ah oo caalamka daafihiisa ku kala firirsan waxaana lagu amray in aysan wax dhaq dhaqaaq ah sameyn karin sababa laxiriira cudurka Carona Virus.
Dhismaha wasaaradda difaaca magaalada Washington ee Pentagon-ka ayuu cudurka Carona gudaha ugalay isagoo asiibay howlwadeenno muhiim u ahaa melleteriga Mareykanka arrinkaas ayaana cabsi iyo qalqal ku beeray madaxda Mareykanka.
Dhammmaan talisyada Mareykanka ee qaaradaha caalamka sida Africa,Asia iyo Yurub ayaa hakad gelinayay howlgalladii melleteri ee ay wadeen, diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa bil walba duqeymo shacab lagu xasuuqa ka geysan jiray wadamo ay kamid yihiin Soomaaliya,Afghanistan, Suuriya,Yemen iyo Ciraaq.
Cudurka Carona Virus ayaa dad ka badan 1030 qof kudilay gudaha wadanka Mareykanka wuxuuna soo ritay illaa 50-kun oo qof arrinkaas oo sababay in ay gilgilato dowladda Mareykanka oo sheegata in ay tahay midda ugu tunka dowladaha caalamka kajira dhaqaale ahaan iyo melleteri ahaan intaba.