Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Trump Oo Wada Qorshe Uu Ciidamadiisa Uga Saarayo Somalia.
  • Allposts
  • Warar

Trump Oo Wada Qorshe Uu Ciidamadiisa Uga Saarayo Somalia.

October 14, 2020

Madaxweynaha dowladda Mareykanka oo ay kusoo food leedahay doorasho adag ayaa bilaabay in uu shacabka American ah ku afgubaadsado soo badbaadinta ciidamadiisa dagaallada culus uga jira qeybo katirsan wadamada caalamka Islaamka.

Donald Trump wuxuu ku dahaaqayaa in maamulkiisu udiyaar garoobay sidii uu ciidamadiisa ugasoo saari lahaa wadamo ay kamid yihiin Soomaaliya iyo Afghanistan.

Madaxweyne Mareykanka wuxuu u sheegay la taliyeyaasha sarsare in uu doonayo in ciidamadiisa uu kalasoo baxo Soomaaliya sida ay sheegeen dad xog ogaal u ah arrinkan taas oo u ogolaaneysa inuu ka dhabeeyo balanqaadyadii ololahiisa doorashada ee ahaa in askarta dib loogu celiyo dalkooda.

Warbaahinta ugu afka dheer dalka Mareykanka ayaa sheegtay in wasaaradda gaashaandhigga ee loo yaqaan Pentagon-ka ayaa bilaawday in ay qiimeyso soo jeedinta uga timid Trump ee ah ciidamada American-ka lagasoo saaro Soomaaliya.

Wararku waxay sheegayaan in mas’uuliyiinta ugu sarraysa wasaaradda gaashaandhigga ay kulamo ka yeesheen soo jeedinta Trump waxaana kamid ah mas’uuliyiinta ka niqaashaya qorshaha Trump Robert O’Brien oo ah lataliyaha amniga qaranka Mareykanka iyo Mark Esper oo ah wasiirka difaaca.

ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay warbaahinta Mareykanka in markii dambe uu wadahadallada go’aanka looga gaarayo arrintan uu ku biiray Jeneraal Mark Milley oo ah taliyaha guud ee ciidamada Mareykanka.

Mareykanka waxaa Soomaaliya uga sugan ciidan udhaxeeya 650 illaa 800 oo askari sida ay warbaahintu sheegto balse majiro tirakoob rasmi ah oo dowladda Mareykanku ay ku caddaysay tirada ciidamadeeda duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya.

Max’med Cabdullaahi Farmaajo oo ah madaxa dowladda taakta daran ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ayaa wareysi uu bixiyay uga codsaday mareykanka in ciidamadiisu ay sii joogaan Soomaaliya si ay uga gacan siiyaan dagaalka ka dhanka ah Shabaabul Mujaahidiin.

Sida ay baahisay shabakadda bloomberg mas’uuliyiinta amniga qaranka Mareykanka ayaa diiday in ay tacliiq ka bixiyaan arrimahan ku saabsan in Trump uu ciidamadiisa kalasoo baxayo soomaaliya.

Hoggaanka Shabaabul Mujaahidiin ayaa agaasimay howlgallo lagu laayay ciidamo American ah oo saldhigyo ku lahaa dalalka Kenya iyo Soomaaliya, weerar sanaddii lasoo dhaafay ka dhacay saldhigga Balidoogle ayaa sababay dhimashada boqolaal askari American ah.

weerar kale oo ka dhacay saldhigga Manda Bay ee dalka Kenya ayaa sababay khasaare lixaad leh oo gaaray ciidamada Mareykanka, xukuumadda Washington waxay doonaysaa in qorshaheeda ka bixitaanka Soomaaliya ay lameel dhigto baqa cararkeeda dalka Afghanistan.

Falanqeeyayaasha ayaa aamisan in haddii ay ciidamada American-ka ah ay isaga baxaan Soomaaliya ay sii daciifi doonaan ciidamada shisheeyaha AMISOM iyo maleeshiyaadka dabadhilifyada ah ee la shaqeeya kuwaas oo dhiigbax dhan walba ah kala kulmaya Shabaabul Mujaahidiin.

Bartamihii sanadii 2017 ayuu Donald Trump iclaamiyay in uu ciidamo dheeri ah udiray soomaaliya islamarkaana wuxuu soo saaray go’aamo faraya saraakiisha in ay geysan karaan duqeymo aan kala sooc laheyn oo lagu xasuuqayo shacabka soomaaliyeed ee muslimka ah.

ku dhowaad afar sano kadib go’aamadii Trump ee qar iska xoornimada lahaa ee Soomaaliya ayuu jihaadka soomaaliya sii bulaalay halka dib udhac dhan walba ah ay dareemayaan soo duulayaasha Soomaaliya melleteti ahaan iyo maamul ahaan.

Diyaaradaha Mareykanka ayaa boqolaal qof oo shacaba ku xasuuqay gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya iyagoo ku andacoonaya ladagaallanka mujaahidiinta.

Hay’adaha sheegta in ay udoodaan xuquuqul insaanka ayaa dhowr jeer soo saaray warbixinno ay ku caddeynayaan gabood fallada uu Mareykanku ka geystay Soomaaliya.

Warbixinno dhowaan ay soo saareen sirdoonno caalami ah ayay ku sheegtay in Shabaabul Mujaahidiin ay tahay jamaacada Jihaadiga ah ee ugu awoodda badan qaaradda Afrika iyadoona ku taxadisay ololihii dagaal ee uu Trump iclaamiyay sanaddii 2017.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Aadam Kalli Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho.
Next: Dhagayso: Gedo Iyo Guulaha Islaamka (Xalqada 8-aad).

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -16-Jumaadal-awal-1448-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -16-Jumaadal-awal-1448-Hijri.

October 27, 2026
Dhagayso Faahfaahinta Weerarkii Lagu Laayay Maleeshiyada Gurguurte Ee Duleedka Leego.
  • Allposts
  • Warar

Dhagayso Faahfaahinta Weerarkii Lagu Laayay Maleeshiyada Gurguurte Ee Duleedka Leego.

October 27, 2026
Saraakiil Lagu Dhaawac-tiray Weerar Ka Dhacay Duleedka Muqdisho.
  • Allposts
  • Warar

Saraakiil Lagu Dhaawac-tiray Weerar Ka Dhacay Duleedka Muqdisho.

October 27, 2026

Sawirro

DEG DEG: Daawo Sida Maleeshiyada Gurguurte Loogu Laayay Duleedka Leego.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

DEG DEG: Daawo Sida Maleeshiyada Gurguurte Loogu Laayay Duleedka Leego.

October 26, 2026
Daawo Sawirro Muujinaya Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Hees.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Muujinaya Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Hees.

October 10, 2026
Sawirro: Xarakada Al-Shabaab Iyo Beesha Xawaadle Oo Maxaas Ku Gaaray Heshiis Lagu Soo Afjaray Colaaddii U Dhexeysay Labada Dhinac.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Xarakada Al-Shabaab Iyo Beesha Xawaadle Oo Maxaas Ku Gaaray Heshiis Lagu Soo Afjaray Colaaddii U Dhexeysay Labada Dhinac.

October 3, 2026
Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.

September 4, 2026
Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.

August 3, 2026
Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.

August 1, 2026
Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.

July 26, 2026
Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.

July 6, 2026
Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026

Diiwaanka Gabayada

DHAGEYSO: Gabay Cusub Oo Uu Tiriyey Abwaan C/waaxid Cali Gama’diid.
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

DHAGEYSO: Gabay Cusub Oo Uu Tiriyey Abwaan C/waaxid Cali Gama’diid.

October 19, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada