Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar qarax fariid ah oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka degmada Buula-barde, kaasi oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Ridada Somalia iyo kuwa Jabuutiyaanka ee hiil gaalo.
Ugu yaraan 4 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Ridada Jabuuti ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qaraxaasi ka dib dhaawacyo daran oo kasoo gaaray qaraxa.
Maleeshiyaadkan dhaawacyada u dhintay waxaa saacadihii lasoo djaafay qaraxyo xooggan lagula eegtay inta u dhaxayso degmooyinka Buula-barde iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan halkaasi oo lagu dilay askar badan.
Isku gaynta tirada maleeshiyaadkii ku dhintay qaraxyadii duleedka degmada Buula-barde waxay gaartay 11 askari oo isugu jira maleshiyaad murtadiin Soomaali ah iyo kuwa Jabuutiyaan ah, waxaana 4 ka mida maleeshiyaadka dhintay ay yihiin Jabuutiyaan iyo 7 kale oo murtadiin Soomaali ah, waxaana weerarka ku dhaawacmay 3 kale oo murtadiin Soomaali ah iyadoona qaraxa uu ku basbeelay gaari Cabdi bile ah.
Calamada.com