Ciidamada xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab waxay saacadihii lasoo dhaafay fuliyeen weeraro isugu jira dilal iyo dagaallo toos ah kuwaasi oo ka kala dhacay magaalada Muqdisho iyo duleedka magaalada Kismaayo.
Howlgal qorshaysan oo ciidamo ka tirsan katiibada Muxamed Ibnu Maslmah ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Hodan waxay ku khaarajiyeen askari murtad ah oo ka tirsanaa maleeshiyaadka dowladda Ridada.
Askariga murtadka ah oo lagu magacaabi jiray Yaasiin Sheikh ayaa ka mid ahaa maleehshiyaadka Jawaasiista kooxda Ridada Somalia gaar ahaan kuwooda dharcadda, waxaana uu weerarkan ku biiraya weerarada ka dhanka ah Jawaasiista kooxda Ridada ee sida xowliga ah kaga socda degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir.
Dhanka Jubbbada hoose ciidamo ka tirsan xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhigga maleeshiyaadka maamulka Ridada Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Baarsanguunid ee duleedka magaalada Kismaayo.
Jugta madaafiicda iyo noocyada kale ee hubka dagaalka ayaa si wayn looga maqlayay goobaha ka fog fog deegaanka uu weerarku ka dhacay waxaana jira khasaare kala duwan oo weerarka kasoo gaaray maleeshiyaadka maamulka Ridada Axmed Madoobe.
Calamada.com