Ciidamada xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa xalay weerar khasaare laxaad leh dhaliyay ku qaaday fariisin maleeshiyaadka maamulka ashahaada la dirirka ee isku magacaabay Koonfur galbeed ay kaga sugnaayeen magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.
Weerarkan waxa uu si gaara kaga dhacay halka loo yaqaan Makundi gaar ahaan barta Kantarool ee laga soo galo magaalada Baydhaba waxaana halkasi ka dhashay khasaare kala duwan.
Ilo masuul ah ayaa xaqiijinaya in weerarka ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen askar ka tirsan maleeshiyaadkii murtadiinta ee ku sugnaa barta Kantarool ee uu weerarku ka dhacay.
Maalmihii u dambeeyay magaalada Baydhaba waxay marti gelisay weeraro khasaare baaxad leh dhaliyay oo ka dhan ah maleeshiyaadka maamulka Ashahaada la dirirka ee la magac baxay Koonfur galbeedka.
Calamada.com