Ciidamo ka tirsan xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa Xalay saqdii dhexe weeraro ku qaaday dhowr saldhig oo kuyaal duleedyada galbeed ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Weerarka ugu horreeya ayaa lagu qaaday saldhig ay maleeshiyaadka murtadiinta ay ku leeyihiin deegaanka Calamada ee u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye, weerar kale ayaa lagu qaaday saldhig ay ciidamada kuffaarta afrikaanta ay ku leeyihiin deegaanka Ceelasha Biyaha gaar ahaan Dooraale.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen hugunka rasaas iyo madaafiic ay labada dhinac isdhaafsanayeen.
Dhinaca kale wararka laga helayo deegaanka Yoontooy ee duleedka magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in weerar kedis ah lagu qaaday maleeshiyaad katirsan maamulka Axmed Madoobe balse lama oga khasaaraha ka dhashay.