Warar dheeraad ah waxaa laga helayaa qarax ka dhacay magaalada Muqdisho kaasi oo lala beegsaday sarkaal ka tirsan dowlada federaalka.
Qaraxa oo ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Huriwaa waxaa lala beegsaday gaari qooqan ah oo uu lahaa guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada degmada Yaaqashiid ee magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa intaas ku daraya in qaraxa ay ku dhinteen 4 askari oo ilaala u ahaa mas’uulka laweeraray halka ay dhaawacmeen 3 askari, dhammaan mas’uuliyadda weeraradan waxaa sheegtay Xarakada Al Shabaab sida ay baahisay idaacadda Andalus.
Qaraxyada lagu beegsado mas’uuliyiinta dowladda ayaa maalmihii lasoo dhaafay kusoo badanayay degmooyinka gobolka Banaadir.