Kooxda Riddada Soomaaliya ayaa lasheegay in ay cadaadis siyaasadeed saartay Aadan Madoobe oo ah hoggaamiyaha maamulka maqaarsaarka ah ee isku magacaabay Koonfur Galbeed.
Xasan Gurguurte ayaa maalintii Jimcaha ku amray Aadan Madoobe in uu dib ugu laabto magaalada Baydhabo uuna abaabul guluf ka dhan ah ciidamada Cabdicasiis Lafagareen haddii kale xilka laga qaadi doono.
Hoggaamiyaha maamulka ashahaadda ladirirka Koonfur Galbeed oo shalay diyaarad lagu geeyay magaalada Baydhabo ayaa farriimo goodis ah udiray saraakiisha Laftagareen oo uu ugu hanjabay in uu u adeegsan doono diyaarado shisheeye.
Isagoo laga dareemayay caro ayuu walaac ka muujiyay barakaca iyo kala cararka laga dareemay magaalada Baydhabo tan iyo wixii ka dambeeyay dagaalkii khasaaraha badan dhaliyay ee dhacay isbuucii lasoo dhaafay.
Ciidamada mucaaradka ayuu ku eedeeyay in ay mas’uul ka yihiin barakicinta shacabka magaalada Baydhabo.
Arrimahan ayaa kusoo aadayay xilli xaaladda xarunta gobolka Baay ay sii xumaanaysay tan iyo markii ay maleeshiyaadka kooxda Riddada ay duullaan melleteri ku qabsadeen magaaladan horraantii sanadkan.