Aadan Madoobe oo ah hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay Koonfur Galbeed ee daacadda u ah Xasan Gurguurte ayaa sheegay in isbedello dhan walba ah ay kusoo wajahanyihiin Soomaaliya isagoo walaac ka muujiyay mustaqbalka maamullada dabadhilifyada ah ee dalka ka jira.
Isagoo khudbad ka jeedinayay munaasabad ka dhacday magaalada Jowhar ayuu Aadan Madoobe sheegay in ciidamada kufaarta afrikaanta ah ay 20 sano kadib geeddi ka yihiin Soomaaliya islamarkaana ay iyagu heysan maleeshiyaad ku filin ilaalinta xarumaha maamullada Riddada.
Waxa uu xaaladda gobollada Baay iyo Bakool gaar ahaan magaalooyinka cadowgu maamulo ku tilmaamay mid xasaasi ah isaga oo xusay in halkaas ay ka socdaan dhacdooyin aan hore loo arag oo si xawli ah isku beddelaya.
Maamulka daacadda u ah kooxda Riddada Soomaaliya ee ka jira magaalada Baydhabo ayaa bilihii lasoo dhaafay wajahayay xaalad adag kadib markii weeraro culus ay ku qaadeen ciidamo daacad u ah Cabdi casiis Laftagareen kuwaas oo lawareegay illaa 4 degmo oo katirsan gobolka Baay.