Ra’iisul wasaaraha dowladda xabashida Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa markale ku celiyay damaca dowladdiisa ee ku aaddan badda.
In Itoobiya hesho marin dhanka badda ah, ayuu sheegay inay ku xiran tahay amniga qarankiisa, isagoo intaas ku daray in gaaritaanka badda uu dalkiisa baahi wayn u qabo.
Hadalkan, ayuu Abiy Axmed ka sheegay telefishanka dowladda iyo sidoo kale waraysi uu siiyay ETV, wuxuu xusay in ku tiirsanaanta dalkiisa ee dalal kale ay ka dhigayso mid nugul oo aan maamuli karin xogtiisa qaranka, tan isgaarsiinta iyo ganacsiga.
Abiy Axmed, ayaa waayadan dambs damaciisa bad raadinta ah u rogay mid taabanaya amniga dalkiisa, maalmo ka hor ayuu sheegay in amniga geeska Afrika ay ku xiran tahay inay bad helaan.
Madaxii hore ee maamulka ashahaada la dirirka ah ee Somaliland, Muuse Biixi, ayaa Abiy Axmed, bishii Janaayo 2024-kii la saxiixday heshiis Itoobiya lagu siiyay qaybo ka mid ah badda Soomaaliya, waxaana taasi si wayn uga hor-yimid dadka Soomaaliyeed ee ku kala nool gudaha dalka iyo dibaddiisa.
CALAMADA