Qaar kamid ah mas’uuliyiintii maamulka Koonfur Galbeed ee looga adkaaday dagaalkii Baydhabo ayaa markale ku goodiyay in ay qaadayaan weeraro qorshaysan oo ka dhan ah kooxda Riddada Soomaaliya.
Ugaas Xasan Cabdi oo ah Afhayeenka Cabdicasiis Laftagareen ayaa sheegay in ay billaabeen diyaar garoow ciidan islamarkaana ay dhowaan bilaabayaan dagaallo ay lagelayaan maamulka ka jira magaalada Bayadhabo.
Isagoo boqolaal maleeshiyaad ah kula hadlay deegaan katirsan gobolka Baay ayuu Afhayeenka Laftagareen eedaymo culus ugu jeeiyay maleeshiyaadka Kooxda Ridada wuxuuna shacabka ku dhaqan Baydhabo ku guubaabiyay in ay qoriga uqaataan wax uu ugu yeeray burcadda kusoo duushay sida uu hadalka udhigay.
wuxuu intaas kudaray in ay beegsan doonaan cid walba oo wadashaqeyn layeelatay Aadan Madoobe iyo maleeshiyaadkii diyaaradaha Turkiga lagusoo gelbiyay.
Ugaas Xasan Cabdi ayaa ku hanjabay in ay si toos ah ubeegsanayaan goobaha loo asteeyay in lagu qabto doorashooyin ku sheegga ee magaalada Baydhabo,
Isbuucyadii lasoo dhaafay waxaa deegaanno hoostaga degmooyinka Bardaale,Baydhabo iyo Luuq isku aruursanayay maleeshiyaad daacad u ah hoggaankii hore ee maamulka ashahadda ladirirka Koonfur Galbeed.
Arrimahan ayaa kusoo aadaya xilli Xasan Gurguurte uu isku diyaarinayo in uu isbuucyada soo socda Aadan Madoobe ka dhigo madaxweynaha cusub ee maamulka gaala raaca Koonfur Galbeed.