Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Akhriso Bayaanka Xarakada Iyo 58 Askari Oo Lagu Dilay Dagaalladii Mudug.
  • Allposts
  • Warar

Akhriso Bayaanka Xarakada Iyo 58 Askari Oo Lagu Dilay Dagaalladii Mudug.

October 4, 2023

Maktabka warfaafinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa faafiyay warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidanka, kaasi oo lagu faahfaahiyay dagaallo culus oo maanta ka dhacay wilaayada Mudug, kuwaas oo wayn loogu laayay murtadiinta.

Taliska ciidanka mujaahidiinta ayaa sheegay in dagaalladaan ay mujaahidiintu kaga hortageen maleeshiyo murtadiin ah oo doonayay inay dhaqdhaqaaqyo ashahaada la dirirnimo ah ka sameeyaan deegaannada u dhexeeya degmada Bacaadweyn iyo magaalada Wisil, halkaas na murtadiinta looga dilay 58 askari, loogana dhaawacy 71 kale, waxaana maleeshiyaadka dhintay ka mid ahaa taliyihii haystay maleeshiyaadka la weeraray Kornayl Cali Naasir Cabdi Faarax.

Warsaxaafadeedka taliska ciidanka waxaa lagu yiri” Ciidamada Mujaahidiintu waxay maanta oo Arbaco ah dagaal culus la galeen cadawga murtadiinta ah ee ay saliibiyiintu u soo wakiisheen la dagaalanka ku dhaqanka shareecada Islaamka ee Wilaayada Islaamiga ah ee Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Gaadday ee duleedka magaalada Wisil, halkaas oo ay ciidamada Mujaahidiintu kaga hortageen maleeshiyaat murtadiin ah oo damacsanaa inay falal ashahaado la dirirnimo ah ka soo fuliyaan deegaanada u dhexeeya degmada Bacaadweyne iyo magaalada Wisil.

Mujaahidiinta oo si dhow ula socday dhaqdhaqaaqa cadawga ayaa waxay – Allah fadligiis – dagaal socday muddo saacado ah kadib, jab lixaad leh u geysteen maleeshiyadii murtadiinta ahaa, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac oo cadawga soo gaaray. Sidoo kale waxaa jira gaadiid, hub iyo saanad ciidan oo laga qaniimaystay murtadiinta.

Tirada dhimashada ee gaartay murtadiinta, inta aan ilaa hada xaqiijinay, waa 58 murtad, kuwaas oo ay ku jiraan saraakiil muhiim u ahaa cadawga. Dhaawaca cadawgu waa 71 murtad. Saraakiisha lagu dilay dagaalka waxaa kamid ah Kornayl Calinaasir Cabdi Faarax, oo ahaa taliyihii hogaaminayay
maleeshiyada murtadiinta ah ee maanta lagu jebiyay dagaallka Mudug, waxaana maydadka isaga iyo 14 kamid ah mooriyaantiisa looga cararay fagaaraha dagaalka.

Mujaahidiintu waxay – Allah fadligiis – qaniimaysteen saddex (3) kamid ah gaadiidkii ay cadawgu wateen, kuwaas oo qaarkood ay yihiin gaadiidka dagaalka ee loo yaqaano Tiknikada.

Wixii faahfaahin intaas ka badan dib ayaan kasoo gudbin doonaa insha-Allah.

Halkan Ka Degso Bayaanka Oo PDF Ah.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Daawo Muuqaal Iyo Sawirro Muujinaya Duqayntii Maraykanka Ee Sh/hoose.
Next: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -19-03-1445 Hijri.

Related Stories

Kenya Oo Nairobi Kasoo Tarxiishay Wasiir Katirsan Kooxda Gurguurte Oo Boorsooyin Lacag Ah Watay.
  • Allposts
  • Warar

Kenya Oo Nairobi Kasoo Tarxiishay Wasiir Katirsan Kooxda Gurguurte Oo Boorsooyin Lacag Ah Watay.

July 28, 2026
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 14-02-1448-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 14-02-1448-Hijri.

July 28, 2026
Weerar Askar Looga Dilay Maleeshiyada Axmed Madoobe Oo Ka Dhacay Jubbada Hoose.
  • Allposts
  • Warar

Weerar Askar Looga Dilay Maleeshiyada Axmed Madoobe Oo Ka Dhacay Jubbada Hoose.

July 28, 2026

Sawirro

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.

July 26, 2026
Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.

July 6, 2026
Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada