Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar culus oo kamiin ah oo ciidanka Mujaahidiintu u dhigeen kolonyo maleeshiyo murtadiin ah oo ka baxay magaalada Muqdisho, kuna jeeday dhanka Ballidoogle.
Weerarka ayaa kolonyada ku qabsaday afaafka hore ee xaafadda Haanta dheer ee degmada Afgooye, waxaana ku dhintay hal askari, halka 4 kalena ku dhaawacmeen, gaari Cabdi bile ahna waa lagu gubay.
Waxaa xusid mudan in kolonyada murtadiinta ah ee kamiinka loo dhigay ayaa ku hakadeen welina ku suganyihiin goobtii uu weerarka dhabbagalka ah ku qabsaday.