Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qarax ah oo ciidamada Mujaahidiintu ay ka fuliyeen gudaha deegaanka Buulamareer ee wilaalayada Sh/hoose, kaasoo lala eegtay maleeshiyaad murtadiin ah oo ku sugnaa gudaha deegaankaasi.
Howlgalkaasi qaraxa ah ayaa waxaa lagu dilay 3 murtad, waxaana ku dhaawacmay 4 kale, waxaanu helnay magacyada murtadiinta qaraxa ku dhimatay, kuwaas oo kala ah Cabdisalaam Qoobeey oo ahaa Taliyaha maleeshiyaadka Riddada ee Buulamareer, Gaagaale oo ahaa askari iyo Maxamed Afyare oo ahaa sarkaal.
Sidoo kale, waxaan helnay magacyada murtadiinta lagu dhaawacay qaraxaasi waxay kala yihiin, Xayir, Cali Nuur, Farxaan iyo Ilkacase.