Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Akhriso Wararkii U Dambeeyay Bariga Dhexe Iyo Wadahadallada Pakistan.
  • Allposts
  • Warar

Akhriso Wararkii U Dambeeyay Bariga Dhexe Iyo Wadahadallada Pakistan.

April 27, 2026

Iyadoo xabbad-joojintu ay marayso maalintii 20-aad, Warbaahinta Maraykanka ee lagu magacaabo Axios (Aksiyoos) ayaa ka soo xigatay mas’uul Mareykan ah iyo ilo kale, in Iiraan ay soo bandhigtay, iyada oo adeegsanaysa dhexdhexaadiyeyaasha Pakistan, soo jeedin cusub oo looga golleeyahay in lagu gaaro heshiis dib loogu furo marin-biyoodka Hormuz laguna soo afjaro dagaalka.

Afhayeen u hadashay Aqalka Cad ee dowladda saliibiyadda Maraykanka, ayaa sheegtay in arrimahani ay yihiin “wadahadallo diblomaasiyadeed oo xasaasi ah,” isla markaana Maraykanku aanu ka gorgortami doonin warbaahinta, sida ay sheegtay Axios.

Waxay ku nuuxnuuxsatay in Madaxweyne Donald Trump uu xaqiijiyay in Washington iyadu ay leedahay go’aanka, kaliyana ay saxiixi doonto heshiis dan u ah shacabka Maraykanka, isla markaana aysan waligeed u oggolaan doonin Iiraan inay yeelato hub nukliyeer ah.

“Haddii ay rabaan inay nala hadlaan, way iman karaan, ama way na soo wici karaan. Waad ogtahay, telefoon ayaa jira. Waxaan leenahay khadad wanaagsan oo ammaan ah,” ayuu Gaal Donald Trump u sheegay warbaahinta Fox News.

Waxa kale oo madaxweynaha Maraykanku isagoo hadalkiisa sii wata uu yiri “Waxay ogyihiin waxa ay tahay in lagu daro heshiiska. Aad bay u fududahay, ma yeelan karaan hub nukliyeer, haddii kale wax sabab ah looma hayo in lala kulmo.”

Dhanka kale, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan Cabbaas Caraaqji iyo wefti diblomaasiyadeed oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Ruushka, halkaas oo wasaaraddu sheegtay in ay kasii amba-qaadi doonaan wada-tashiyada Tehran ee ku saabsan gorgortanka, ka dib booqasho uu ku tagay Islamabad xilli dedaalladii wada-hadalladu ay mar kale fashilmeen.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran ayaa Axaddii shalay u kala gooshay dhexdhexaadiyeyaasha Pakistan iyo Cumaan ka hor inta uusan u amba-bixin dalka Ruushka, halkaas oo la filayo inuu kula kulmo dhiggiisa dalkaasi iyo sidoo kale madaxweyne Vladimir Putin.

Markii wada-hadalladii nabaddu ay istaageen, suuqyada dhaqaalaha ayaa si degdeg ah uga falceliyay, kadib maraakiibtii shidaalka qaadi jirtay markii ay ku xannibmeen Gacanka, halka mustaqbalka suuqyada saamiyada Maraykanku ay hoos u dhaceen, markii walaaca laga qabo dagaalkani uu sii kordhay.

Inkasta oo xabbad-joojintu ay hakisay dagaalka, balse weli lama gaarin heshiis buuxa oo lagu soo afjarayo colaadda Bariga Dhexe, taas oo kor u qaadday qiimaha shidaalka, cirkana ku shareertay sicir-bararka, isla markaana mugdi gelisay koboca dhaqaalaha caalamka.

Iyadoo heerka taageeradiisu ay hoobad ku jirto, Trump wuxuu wajahayaan cadaadis gudaha ah oo ku saabsan sidii uu u joojin lahaa dagaalkan oo ah mid aan la rabin, sida lagu sheegay warbixin ay diyaarisay wakaaladda wararka ee Reuters.

Hoggaamiyeyaasha Iran, ayay warbixintu xustay, inay haystaan awood ay ku gorgortamaan oo ay ku joojin karaan maraakiibta ku gooshaysa marin-biyoodka muhiimka u ah dhaqaalaha caalamka ee Hormuz, kaasoo caadiyan qaada shan meelood meel shixnadaha shidaalka adduunka.

Ka hor inta uusan u socdaalin Ruushka, Caraaqji wuxuu ku laabtay Islamabad ka dib wadahadallo uu Axaddii ku yeeshay Cumaan. Warbaahinta dawladda Iran ayaa sheegtay in Caraaqji uu kala hadlay amniga marin-biyoodka hoggaamiyaha Cumaan, wuxuuna ku baaqay qaab-dhismeed amni goboleed oo ka madax bannaan faragelin dibadeed.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, ayaa bartiisa xiriirka bulshadda ee X, ku sheegay in waxyaabaha diiradda lagu saaray wadahadalladiisa Cumaan ay ku jirtay habab lagu xaqiijinayo marin ammaan ah oo faa’iido u leh dhammaan dalalka deriska iyo dunidaba.

Wakaaladda wararka Tasnim oo xiriir la leh Kacaanka Iran, ayaa sheegtay in mowduucyada wadahadallada Caraaqji iyo mas’uuliyiinta Pakistan ay ka mid ahaayeen “hirgelinta nidaam sharci oo cusub oo lagu maamulo Marinka Hormuz, helitaanka magdhow, dammaanad-qaad ah in aan dib loo bilaabin weerarro militari oo ka yimaada kuwa dagaalka hurinaya, iyo qaadista go’doominta badda.

Wakiilka Iran ee Ruushka, Qaasim Jalalli, ayaa ku sheegay qoraal uu ku daabacay bartiisa xiriirka bulshadda ee X, in kulanka Caraaqji uu la yeelan doono Putin, uu yahay dedaal diblomaasiyadeed oo Iran ay ku difaacayso danaha dalka, iyadoo ay jiraan khataro dibadeed.

Qaasim Jalaali waxa kale oo uu tilmaamay in Iraan iyo Ruushku ay saf ku wada jiraan isla markaana ay doonayaan inay si wada-jir ah uga hortagaan saameynta iyo awoodda dowladaha keli-taliska ah oo hormood ay ka tahay dowladda Maraykanku.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 10-11-1447-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -10-Dulqicdah-1447-Hijri

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -27-12-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -27-12-1447-Hijri

June 13, 2026
Daawo Muuqaalka Weerarkii Saraakiisha Looga Laayay Kooxda Gurguurte Ee Duleedka Baydhaba.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal

Daawo Muuqaalka Weerarkii Saraakiisha Looga Laayay Kooxda Gurguurte Ee Duleedka Baydhaba.

June 13, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -27-12-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -27-12-1447 Hijri.

June 13, 2026

Sawirro

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada