Iyadoo xabad-joojintii labada usbuuc ahayd ay marayso maalintii 11-aad, ayaa lasoo werinayaa in wadahadalladii u dhexeeyay Iran iyo Maraykanku ay waxoogaa horumar ah sameeyeen, inkastoo weli ay jiraan khilaafyo waaweyn oo ku saabsan arrimaha nukliyeerka iyo marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Hormuuz.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Iran, Maxamed Baaqar Qaalibaaf, oo sidoo kalena ah mas’uulka ugu sarreeya ee wada-xaajoodyada u qaabilsan maamulka Dahraan ayaa sheegay in wadahadalladii u dambeeyay ee ay la yeesheen Maraykanka ay sameeyeen horumar balse weli ay jiraan farqi weyn oo ku saabsan arrimaha nukliyeerka iyo marinka Hormuz.
Qaalibaaf wuxuu sheegay in awoodda militari ee Iran ay si weyn u horumartay, gaar ahaan weerarrada iyo naqshadaynta dagaalka marka loo eego dagaalladii hore. Waxa kale oo uu tilmaamay in Iran ay horumarisay awoodda drones-ka, isagoo sheegay in ku dhawaad 180 drone la adeegsaday muddo gaaban gudaheed.
Waxa kale oo uu sheegay in qorshayaal lagu doonayay in lagu burburiyo awoodda milatari ee Iran iyo in la sameeyo isbeddel maamul ay gebi ahaanba fashilmeen.
Golaha amniga qaranka Iran ayaa sheegay in Tehran ay dib u eegayso soo jeedinno cusub oo ka yimid dowladda saliibiyadda ah ee Maraykanka, balse aysan weli ka bixin wax jawaab ah.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa Gaal Donald Trump ayaa isna dhankiisa carabaabay, inay jiraan “wada-hadallo aad u wanaagsan” oo uu tilmaamay inay la leeyihiin Tehran inkastoo uu ka digay isku-dayo uu ku sifeeyey kuwo cabsi-gelin ah” oo la xiriira marinka muhiimka ah ee maraakiibta.
Trump ayaa ku hanjabay in haddii aan heshiis la gaarin inta ka horreysay dhammaadka wakhtiga xabbad-joojinta, ay suurtagal tahay in duqaymuhu ay dib u bilaabmaan, halka saraakiisha Iran ay sheegeen inay diyaar u yihiin dagaal kasta oo lagu soo qaado isla markaana ay u adeegsan doonaan hub casri ah.
Nidaamka Iran ayaa la sheegay in aanu u muuqan mid diyaar u ah tanaasul. Waxaanu sarkaal sare oo milatari, oo lagu magacaabo General Muxammed Naqdi oo sabtidii shalay u warramay warbaahinta Maraykanka ee CNN uu sheegay, in “haddii dagaalku uu dib u bilowdo, ay adeegsan doonnaan gantaallo lasoo saaray bilahan u dambeeyey ee sannadkan lagu jiro ee 2026.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira calaamado muujinaya in wada-hadallo culus ay si qarsoodi ah uga socdaan Washington. Galabnimada sabtidii shalay, saraakiil sare oo Maraykan ah ayaa la arkay iyagoo ku xoonsan Aqalka Cad, kuwaas oo ay ku jiraan Wasiirka Difaaca, Agaasimaha CIA-da, iyo Guddoomiyaha Taliyeyaasha Ciidamada Maraykanka, sida CNN ay soo werisay.
Geesta kale waxaa jira walaac sii kordhaya kadib markii ugu yaraan laba markab ay soo sheegeen in la weeraray Sabtidii iyagoo isku dayaya inay ka gudbaan marinka Hormuz. Hindiya ayaa u yeertay safiirka Iran ee New Delhi waxayna muujisay walaac iyo calaacal xooggan, kadib markii laba markab oo calanka Hindiya wata lagu rasaaseeyay marinka, sida dowladdu ay sheegtay.
Taliska Dhexe ee Maraykanka ayaa sheegay in ciidamada Maraykanku ay hirgelinayaan go’doomin badeed oo ka dhan ah Iran, isagoo intaa ku daray in xannibaaddu ay keentay in gebi ahaanba uu istaago ganacsigii badda ee u dhexeeyey Iran iyo dunida inteeda kale.
Sarkaal ka tirsan ciidamada badda ee Ilaalada Kacaanka Iran ayaa ku goodiyey in la beegsan doono markab kasta oo aan haysan oggolaansho uu ku maro marinka Hormuz, isla markaana iska indha-tira digniinaha kasoo baxaya dowladda Iran.
Waxa kale oo sarkaalkani uu sidoo kale uga digay Maraykanka in tallaabo kasta oo laga qaado maraakiibta Iran ay ka bixin doonaan jawaab adag, waxaanu tilmaamay in madaxwynaha Maraykanku uu goor walba ku hadaaqo hadallo been ah oo sal iyo raad toona lahayn.
Shalay oo Sabti ahayd, afhayeenka xarunta Khaatamul-Anbiyaa ee Iran ayaa ku dhawaaqay in mar kale la xiray marinka Hormuz, isla markaana xaaladdu ay ku soo noqotay sidii hore, isagoo xaqiijiyey in marinkan istiraatiijiga ah uu sii ahaan doono mid si toos ah ay u maamulaan ciidamada qalabka sida ee Iran, isla markaana si adag loo ilaalin doono.
Afhayeenka ayaa intaas ku daray in adkaynta xannibaadda marinkani ay sii socon doonto tan iyo inta uu Maraykanku ka qaadayo dhammaan xannibaadaha ku saabsan xorriyadda maraakiibta Iran u socota iyo kuwa ka imanaya.
Si kastaba ha ahaatee, boqolaal maraakiib ah iyo ku dhowaad 20,000 oo badmaaxayaal ah ayaa lasoo weriyey in weli ay ku xanniban yihiin Gacanka Faaris iyagoo quudaraynaya inay ka gudbaan marinka Hormuz, sida ilo ka tirsan maraakiibta xanniban ay u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters.