Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxay saacadihii lasoo dhaafay weeraro culus oo saraakiil iyo askar murtadiin ah lagu dilay ka kala fuliyeen gobollada Bari, Banaadir, Sh/hoose iyo Jubbada hoose.
Weerarka koowaad oo madaafiic ahaa waxay ciidamada Mujaahidiinta saaka ku qaadeen xerada maleeshiyaadka Riddada Puntland ay ku leeyihiin deegaanka Af-urur ee dhaca duleedka magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.
Weerarkaasi kadib maleeshiyaadka Riddada ayaa soo baxay, waxaana loo dhigay weerar kamiin ah, kaasi oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaaray murtadiinta.
Dhanka Banaadir, ciidamada Mujaahidiintu waxay saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus oo toos ah ku qaadeen Control oo murtadiinta Duufaan ku leeyihiin isgoyska Garasbaaley ee dhaca duleedka magaalada Muqdisho.
Dhimashada waa hal murtad oo ahaa taliyihii Ungutii ku sugneyd kaantaroolka la weeraray, kaasi oo lagu magacaabi jiray Cabdulqaadir Maxammed Xassan (Bilaal Cirro), halka sidoo kalena lagu dhaawacay hal murtad oo askari ahaa, waxaa sidoo kale weerarkan lagu soo qaniimeystay hal qori oo Ak47 ah.
Dhanka Jubbada hoose, ciidamada Mujaahidiintu waxay weerareen isbaaro maleeshiyada Riddada u tiillay tuulada Kuba-kibir ee hoostagta magaalada Kismaayo, weerarkan waxaa lagu dilay ilaa 2 askari oo murtadiin ah oo lagu kala magacaabi jiray Muxamed Dhagaweyne oo ahaa taliyihii isbaarada iyo Calas oo ka mid ahaa maleeshiyaadka murtadiinta.
Weerarkan waxaa sidoo kale lagu dhaawacay hal askari oo murtad ah, waxay sidoo kale ciidamada Mujaahidiintu soo qaniimeysteen 2 qori oo AK47 ah iyo booshashkooda.