Howlgal qarax ah oo ay ciidamada Mujaahidiintu ka fuliyeen gudaha magaalada Jowhar ayaa lala eegtay fariisin ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan Ridada, waxaana ku dhaawacmay 6 askari oo 3 kamid ah magacyadooda aan helnay kuwaasi oo kala ah, Idaajaa, Jimcaale Xaayoow iyo Cabdi Fitaax.
Dhanka kale, waaxay ciidamada Mujaahidiintu saaka dagaal culus ku qaadeen saldhigyada murtadiinta ee xaafadaha Mukeyga iyo Haanta dheer ee degmada Afgooye, sidaas oo kale ciidamada Mujaahidiintu waxay dagaallo culus ugu ekeeyeen saldhigyada murtadiinta ee xaafadaha Buulo fooliya iyo Buundada Yare ee degmada Afgooye iyo deegaaada Sabiid iyo Bariire.
Dhanka Gedo, waxay ciidamada Mujaahidiintu dagaal culus ku qaadeen saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta ee degmada Ceel-waaq.
Dhanka NFD, waxay ciidamada Mujaahidiintu dagaal culus ku qaadeen xerada ciidanka Kufaarta Kenya ee Konton ee hoostaga degmada Qorof-xaraar ee gobolka Wajeer ee ku hoos jira gumeysiga saliibiyiinta Kenya.