Ciidamada mujaahidiintu waxay saacadihii lasoo dhaafay weerar culus oo toos ah ku qaadeen isbaaro maleeshiyada murtadiinta u tiillay duleedka magaalada Masagawaay ee wilaayada Galgaduud, waxaana weerarka lagu dilay hal murtad oo lagu magacaabi jiray Rooble Muxiyadiin Xasan, halka lagu soo qaniimeystay qori iyo boosh uu watay.
Dhanka Hiiraan, waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay qarax ka fuliyeen gudaha magaalada Baladweyne, kaasoo lala eegtay goob isbaaro ah oo ay ku sugnaayeen maleeshiyada Riddada, waxaana jira khasaare soo gaaray maleeshiyaadkaasi.
Dhanka kale, ciidamada mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Baay, waxay dagaal culus oo toos ah ku qaadeen xerada maleeshiyaadka murtadiinta kaga suganyihiin halka loo yaqaan Makuudo oo ka tirsan magaalada Baydhaba.