Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Booliiska Dalka Sweden Oo Qoys Muslim Suuriyaan Ah Ka Qaatay Canugooda.
  • Allposts
  • Warar

Booliiska Dalka Sweden Oo Qoys Muslim Suuriyaan Ah Ka Qaatay Canugooda.

November 25, 2017

Waxaa baraha bulshada ee Internetka ku faafay muuqaal naxdin badan oo muujinaya hooyo Muslimad Suuriyaan ah oo canug ay dhashey si xoog ah uga qaadanayaan askarta booliiska dalka Sweden.

Muuqaalka waxaa ka muuqanaya askarta Police-ka oo canug aad u da’yar qaadanaya islamarkaana la fuulayo gaari ay wateen, waxaana hooyada dhashey canuga ay isku dayeysaa iney soo ceshato wiilkeeda iyadoona dhanka gaariga u carareysa, waxaana markaas qabanaya askari kale oo Booliis oo dhulka ku celinaya kadib markii uu ka xoog badiyay.

Aabaha dhalay wiilka oo lagu magacaabo Xassaan Al-Sukari oo la hadlay telefeshinka Aljazeera ayaa sheegay in Booliiska wadanka Sweden ay canugooda ka qaateen, kadib markii ay ku eedayeen waalidiinta canuga iney si qallafsan ula dhaqmaan wiilkooda, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Aabe Xassaan oo ay ilmeynaya, murug badana ay ka muuqato ayaa xaqiijiyay in wiilkooda laga qaatay, wuxuuna waxa dhacay ku tilmaamay arin naxdin leh, isagoona Alle kaalmo iyo gargaar weydiistay.

Qareen ku sugan magaalada Stockholm ee dalka Sweden oo isna ka hadlay arinta dhacday ayaa sheegay in ay sharci tahay in canugaas ay booliiska lasoo wareegaan, islamarkaana iyagu barbaariyaan, maadaama uu sheegay waalidiintu ay ilmuhu si wanaagsan ula dhaqmi waayen.

Qaar kamid ah dadka deriska la ah qoyska muslimka ah ee wiilkooda laga qaatay ayaa Polic-ka u gudbiyay macluumaad qaldan oo la xiriirta qoyska, waxayna ooyinta canuga oo xanuunsan oo aad u badan darteed ay sheegeen in waalidintan ay canugooda aad u garaacaan.

Arintan musiibada ah ayaa ka jirta wadamada Reer galbeedka, waxaana jira qoysas badan oo xitaa Soomaali ay ku jiraan oo caruurtooda lagala wareegay.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Kolanyo Ka Tirsan Shisheeyaha Oo Gaari Looga Gubay Ceelwareegow.
Next: Faahfaahin Laga Helayo Qaraxa Ka Dhacay Degmada Afgooye.

Related Stories

Dhagayso Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanka Muhiimka Ah Ee Tardo.
  • Allposts
  • Warar

Dhagayso Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanka Muhiimka Ah Ee Tardo.

July 13, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 23 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 23 aad)

July 13, 2025
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 18-01-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 18-01-1447-Hijri.

July 13, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 23 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 23 aad)

July 13, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 22 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 22 aad)

July 5, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 21 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 21 aad)

June 26, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 20 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 20 aad)

June 23, 2025

Sawirro

Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.

July 8, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.

July 7, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.

July 6, 2025
Daawo Mujaahidiinta Oo Si Nabad Ah Kula Wareegay Deegaanno Ku Dhow Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Mujaahidiinta Oo Si Nabad Ah Kula Wareegay Deegaanno Ku Dhow Moqokori.

July 3, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Ceel-qooxle.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Ceel-qooxle.

June 30, 2025
Daawo Sawirrada Maleeshiyadii Gurguurte Lagu Laayay Weerarkii Duleedka Ceel-qooxle.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maleeshiyadii Gurguurte Lagu Laayay Weerarkii Duleedka Ceel-qooxle.

June 26, 2025
Daawo Sawirrada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno U Dhow Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno U Dhow Moqokori.

June 24, 2025
Khasaaraha Weerarkii Barujeed Oo Kordhay Iyo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirrada Weerarka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Khasaaraha Weerarkii Barujeed Oo Kordhay Iyo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirrada Weerarka.

June 23, 2025
Daawo Ciidanka Shabaabul Mujaahidiin Oo Toddobaadkii 2-aad Ku Sugan Ceel-hareeri.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Ciidanka Shabaabul Mujaahidiin Oo Toddobaadkii 2-aad Ku Sugan Ceel-hareeri.

June 11, 2025
Daawo Sawirrada Dabaal-degga Ciiddul-adxaa Iyo Mujaahidiinta Galbeedka Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dabaal-degga Ciiddul-adxaa Iyo Mujaahidiinta Galbeedka Africa.

June 9, 2025
Daawo Galhareeri Iyo Jowlo Oo Looga Dabaal-degay Munaasabadda Ciidda.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Galhareeri Iyo Jowlo Oo Looga Dabaal-degay Munaasabadda Ciidda.

June 7, 2025
Daawo Hiiraan, Gedo, Sh/dhexe Iyo Galgaduud Oo Si Wanaagsan Looga Ciiday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Hiiraan, Gedo, Sh/dhexe Iyo Galgaduud Oo Si Wanaagsan Looga Ciiday.

June 6, 2025
Sawirro: Wilaayaadka Baay, Bakool Iyo Sh/hoose Oo Si Heer Sare Ah looga Ciiday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Wilaayaadka Baay, Bakool Iyo Sh/hoose Oo Si Heer Sare Ah looga Ciiday.

June 6, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada