Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Boqollaal Askari Oo Ciidanka Abiy Looga Dilay Loogana Qabtay Dagaallo Ka Dhacay Amhara.
  • Allposts
  • Warar

Boqollaal Askari Oo Ciidanka Abiy Looga Dilay Loogana Qabtay Dagaallo Ka Dhacay Amhara.

September 25, 2025

Waxaa marba marka ka dambaysay kasii daraysa xaaladda colaadeed ee ka aloosan gudaha dalka Itoobiya, waxaanay wararkii ugu dambeeyey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay ay dhaceen dagaallo qaraar oo lagu kala furtay maryo dhiig leh.

Dagaal culus oo aan waxba la isku reeban ayaa lagu soo warramayaa in Arbacadii shalay uu ka dhacay deggaanka Waqooyiga Wollo ee gobolka Amxaarada, halkaas oo ay foodda isku dareen ciidanka Xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaadka Jabhadda Fano.

Guutooyin ka tirsan ciidanka dawladda oo ku sugnaa deggaannadaasi ayaa la kulmay subaxdii hore ee Arbacada weerar culus oo kaga yimid dhinaca maleeshiyaadka Fano, kuwaas oo sida la sheegay kasoo ruqaansaday taliska Jabhadda Fano ee aagga bari ee gobolka Amxaarada.

Dagaalkan oo si gaar ah uga dhacay deggaan lagu magacaabo Beklo Manekia ayaa socday saacado badan, waxaanay jabhadda Fano sheegtay in ay ku dishay 137 askari oo ka tirsan ciidanka dawladda, gacantana ku dhigtay in ka badan 280 askari oo uu ku jiro taliye aan la xusin magaciisa balse darajadiisa lagu sheegay Kornayl.

Sidoo kale Fano waxay ku dhawaaqday in ay dhegta dhiigga u dartay madaxii maamulka degmad Beklo Manekia oo lagu magacaabi jiray Ayalew Delele. Saaxiibbadiis oo aan la shaacin aqoonsigooda iyo tiradooda ayaa sidoo kale lagu dilay hawlgalkan, sida uu daabacay Wargeyska Borkena.

Fano waxa kale oo ay gacanta ku dhigtay gaari-xamuul millateri, in ka badan 7,000 oo rasaasta qoriga sida darandoorriga ah u dhaca ee loo yaqaan Bren, in ka badan 9,000 oo rasaasta AK-47 ah, in ka badan 1,300 oo rasaasta Dhashiikaha ah, laba hoobiye iyo laba qori oo iyaguna kuwa dardoorriga u dhaca ah.

Muuqaal cusub oo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya askar ka tirsan ciidanka Xabashida Itoobiya iyo saanad millateri oo aad u fara badan oo gacanta lagu dhigay. Kuwaas oo sida la sheegay lagu qabtay hawlgalkan ka dhacay deggaanka Beklo Manekia.

Cutub kale oo ka tirsan maleeshiyaadka Faano ayaa la sheegay inay hawlgal ka fuliyeen deggaannada Worebabo, Bistima, oo dhaca Koonfurta Wollo. Waxaana lagu dilay ugu yaraan 78 askari oo ka tirsan ciidanka dowladda, halka 53 askari oo kalena lagu dhaawacay, sida ay sheegatay Faano.

Hawl-galkan ayaa kusoo aadaya iyadoo dhowr cisho ka hor maleeshiyaadka jabhadda Fano ay dagaal culus kula wareegeen magaalada Wondach ee degmada Gidan ee Waqooyiga Wollo, kadib makii ay cagta mariyeen ciidanka Xabashida Itoobiya, isla markaana dagaalkaasi ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen in ka badan 250 askari oo ka tirsanaa ciidanka Xabashida Itoobiya ee hoos-taga maamulka Abiy Axmed.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Daawo Muuqaalka Weerarkii Lagu Qaaday Fariisimaha Maleeshiyada Gurguurte Ee Ceeldheer.
Next: Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -04-04-1447-Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -05-11-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -05-11-1447-Hijri

April 21, 2026
Iiraan Oo Ka Hor-timid Safiirka Yahuuddu Usoo Magacaabay Maamulka ‘Somaliland’.
  • Allposts
  • Warar

Iiraan Oo Ka Hor-timid Safiirka Yahuuddu Usoo Magacaabay Maamulka ‘Somaliland’.

April 21, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -04-11-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -04-11-1447 Hijri.

April 21, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada