Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Ciidanka Itoobiya Oo Doolow Ku Weeraray Maleeshiyada Sirdoonka Kooxda Gurguurte.
  • Allposts
  • Warar

Ciidanka Itoobiya Oo Doolow Ku Weeraray Maleeshiyada Sirdoonka Kooxda Gurguurte.

July 28, 2025

Iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay dagaallo xooggani u dhexeeyeen maleeshiyaadka riddada ee kala taabacsan kooxda Villa Somaliya iyo maamulka Jubbaland ay ka socdeen magaalada Balad Xaawo ee gobolka Gedo, ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in ciidanka Saliibiyiinta Itoobiya ay si buuxda ula safteen maamulka ashahaado-la-dirirka Jubbaland.

Wararka ayaa sheegaya in ciidanka Itoobiya iyo maleeshiyaadka Jubbaland oo iskaashanaya ay xalay weerar ku qaadeen xero ay maleeshiyaadka Nabad-sugidda ee kooxda Gurguurte ay ku lahaayeen degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Weerarkan ayaa sida ay wararku sheegayaan lagu beegsaday taliska maleeshiyaadka NISA, waxaana mar kaliya lagu soo baraarugay dhawaqa hubka culus ee ay labada dhinac is-weydaarsanayeen saqdii dhexe ee xalay, taasoo cabsi ku abuurtay shacabka degmada Doolow.

Ciidanka Xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaadka gaalo-raaca Jubbaland ayaa la sheegay inay ku amreen maleeshiyaadka jawaasiista Nisa ee taabacsan kooxda Murtad Gurguurte inay is-dhiibaan, hubkoodana soo wareejiyaan. Balse maleeshiyaadkaasi ayaa ganafka ku dhuftay arrintaasi, waxaana halkaas ka qarxay dagaal culus.

Dirirtan oo socotay ilaa waaberigii saaka ayay xogtu sheegaysaa inay sababtay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray, waxaana sidoo kale jira khasaare soo gaaray dadka rayidka ah ee xalay oo dhan lagu kor dagaallamayay.

Sida ay wararku sheegayaan, xeradan la weeraray waxaa yaallay saanad ciidan, waxaana ku sugnaa maleeshiyaad si gaar ah uga amar qaata Murtad C/Rashiid Janan, oo dhawaan kooxda Villa Somaliya u magacawday taliyaha NISA ee gobolka Gedo.

Maleeshiyaadka Axmed-madoobe oo taageero ka helaya ciidanka Xabashida Itoobiya ayaa la sheegay inay u suuro-gashay in gudaha ay u galaan xerada xerada maleeshiyaadka NISA, halkaasi oo ku gubeen saanaddii militari ee taallay.

Holac iyo uuro xooggan ayaa ka kacay xarunta la weeraray ee maleeshiyaadka NISA. Waxaana ilo-wareedyo aanu helnay ay sheegayaan in nolosha lagu qabtay qaar ka mid ah maleeshiyaadkii C/Rashiid Janan, oo saraakiil taliyeyaal ah ay ay ku jiraan, kuwaas oo loo dhaadhiciyey xabsi ku yaalla gudaha xerada ciidanka Itoobiya ee degmada Doolow.

War-saxaafadeed uu maanta soo saaray maamulka ashahaado-la-dirirka Jubbaland ayaa dagaalkan xalay ka dhacay degmada Doolow ku eedeeyay kooxda Xasan Gurguurte, oo la sheegay inay weerar ku qaadeen xarumaha maamulka Jubbaland uu ku leeyahay degmadaasi.

Ciidanka Saliibiyiinta Itoobiya ayaa la sheegay inay saaka dhaqdhaqaaqyo xooggan ka bilaabeen magaalada Doolow, ayna la wareegeen guud ahaan maamulka degmada. Waxaana hakad galay adeegyadii bulshada sida ganacsiga iyo waxbarashada.

Weerarkan ayaa imanaya iyadoo madaxa kooxda riddada Soomaaliya uu ku sugan yahay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, halkaas oo shalay uu gaaray isagoo fulinaya amar yeeris ah oo uga yimid R/Wasaaraha Itoobiya Gaal Abiy Axmed oo gebi ahaanba diiddan in ciidanka riddada ee Masaaridu ay cagaha soo dhigaan carrada Soomaaliya.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -03-02-1447-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 03-02-1447-Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -05-11-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -05-11-1447-Hijri

April 21, 2026
Iiraan Oo Ka Hor-timid Safiirka Yahuuddu Usoo Magacaabay Maamulka ‘Somaliland’.
  • Allposts
  • Warar

Iiraan Oo Ka Hor-timid Safiirka Yahuuddu Usoo Magacaabay Maamulka ‘Somaliland’.

April 21, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -04-11-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -04-11-1447 Hijri.

April 21, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada