Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Ciidanka Itoobiya Oo Lagu Eedeeyay Xasuuqyo Ka Dhacay Amhara.
  • Allposts
  • Warar

Ciidanka Itoobiya Oo Lagu Eedeeyay Xasuuqyo Ka Dhacay Amhara.

July 3, 2024

Ciidamada ammaanka ee dowladda xabashida Itoobiya ayaa lagu eedeeyay inay gaysteen weeraro balaaran oo ka dhan ah dadka rayidka, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hayadda  Human Rights Watch ee sheegata inay u dooddo xuquuqda aadanaha.

Warbixinta hayadda oo ah mid aad u dheer kana kooban 66 bog, ayaa diiradda lagu saaray dhinac ka mid ah xasuuqyada ay ku kacayaan ciidanka federaaliga dowladda Itoobiya ee ka socda gobolka Axmaarada ee dhaca waqooyiga Itoobiya.

Hayadu waxay sheegtay inay soo diiwaangelisay dambiyo dagaal oo ay ku kaceen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka dowladda iyo maleeshiyo taabacsan, kuwaas oo siyaabo kala duwan u beegsaday shaqaalaha caafimaadka, xarumaha caafimaad, iyo sidoo kale gaadiidka dadweynaha.

Warbixintu waxay soo bandhigtay ilaa 13 magaalo oo ciidamada ammaanka ee diwladda xabashida iyo maleshiyada Taabacan ay xasuuqyo ka gaysteen tan iyo markii uu qarxay dagaalka u dhexeeya ciidamada federaalka Itoobiya iyo maleeshiyaadka Axmaarada ee loo yaqaan Fano bishii Agoosto 2023-kii.

“Ciidamada federaaliga ah ee Itoobiya ee ku hawlgala isla xisaabtan la’aanta waxay indhaha tireen dadka rayidka ah iyaga oo weeraray xarumaha caafimaadka ee bixiya daryeelka aadka loogu baahan yahay,” waxaa sidaas tiri Laetitia Bader, agaasime ku xigeenka Afrika u qaabilsan hayadda Human Rights Watch.

“Illaa inta ay dowladdu dareemayso cadaadis xoogga saaraya in lagula xisaabtamo xadgudubka ay gaysanayo, xasuuqyada noocan oo kale ah waxay u badan tahay inay sii socdaan.” Ayay sii raacisay.

Human Rights Watch waxay sheegtay inay ogaatay in ciidamada federaaliga ah ee Itoobiya ay halis galiyeen oo ay carqaladeeyeen shaqada cisbitaallada. “Ciidanka ammaanku waxay garaacis, xirxirid, oo cabsi gelin isugu dareen xirfadlayaasha caafimaadka ee ku howlan daryeelka dadka dhaawaca ah iyo kuwa xanuunsan, kuwaas oo ay ku jiraan dagaalyahanno Fano ah.

Ciidamada ammaanka dowladda xabashida, ayaa sidoo kale weeraray ambalaasyada iyo gaadiidka caafimaad, waxayna farageliyeen helidda gargaarka bini’aadantinimo, waxayna u diideen shacabka Axmaarada xasuuqdooda caafimaad, ayaa la raaciyay warbixinta hayad gaaleedkaasi.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -27-12-1445 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -27-12-1445 Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -07-Dulqicdah-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -07-Dulqicdah-1447-Hijri

April 24, 2026
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 07-11-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 07-11-1447-Hijri.

April 24, 2026
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -07-11-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -07-11-1447-Hijri

April 23, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada