Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa saaka dagaal kula wareegay gacan ku heynta deegaanka Coomaad ee hoostagta degmada Matabaan ee Hiiraan, halkaasi oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Riddada Soomaaliya, waxaana jira khasaaro gaaray Riddada.
Dhanka kale, howlgal qarax ah oo ciidamada Mujaahidiinta ka fuliyeen duleedka Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Waydow ayaa lala eegtay gaari C/Bile ah oo ay la socdeen maleeshiyaadka sirdoonka Riddada ee loo yaqaanno (Duufaan).
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku dhintay 1 askari murtad ah oo lagu magacaabi jiray (Kooshin) halka ay ku dhaawacmeen 3 kale, waxaa murtadiinta qaraxaasi ku dhaawacmay kamid ah sarkaal Taliye Koox ah oo lagu magacaabo (Dhaqmaaye) iyo sidoo kale murtad lagu magacaabo Carab oo ah askari.
Dhanka Sh/hoose, Ciidamada Mujaahidiintu waxay dagaal culus ku qaadeen xeryaha ciidamada Kuffaarta Afrikaanta gaar ahaan kuwa Uganda iyo maleeshiyaadka Riddada ee degmada Jannaale, sidoo kale waxay ciidamada Mujaahidiintu dagaal culus ku mireen saldhigda maleeshiyaadka murtadiinta ee deegaanka Mubaarak.