Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Dibadbax Ka Dhan Ah Dowladda Kenya Oo Maanta Gilgilay Nairobi.
  • Allposts
  • Warar

Dibadbax Ka Dhan Ah Dowladda Kenya Oo Maanta Gilgilay Nairobi.

June 25, 2024

Dibadbaxyo aad u xooggan ayaa maanta ka dhacay magaalada Nairobi ee caasimadda u ah dalka Kenya, halkaas oo dibadbaxayaal caraysan ay isugu soo baxeen.

Bannaanbaxyada oo ahaa kuwa aad u xooggan ayaa soo billowday gelinkii hore ee maanta, waxayna banaanbaxayaasha isku ballansadeen inay xoog ku galaan dhismaha xarunta baarlamaanka ee dowladda Kenya.

Isku soo baxyadan maanta gilgilay caasimadda Nairobi ayaa salka ku haya diidmado ay dadka ku dhaqan Kenya ay ka muujiyeen hindise sharciyeed maaliyadeed oo ay soo saartay dowladda Kenya, kaasi oo lagu kordhiyay lacagaha canshuuraha ee dadka laga qaado.

Hindisaha ayaa dhigaya in lacago dheeraad ah lagu kordhiyo lacagaha dadweynaha si gaar ah shidaalka gaadiidka iyo rootoga, taasi oo kacdoon wayn ka dhalisay caasimadda iyo ismaamullada kale ee dalkaasi.

Dadka isku soo baxyada dhigayay waxaa ka mid ah Soomaalida, kuwaas oo ka dhex muuqday boqollaal maanta isugu soo baxay waddooyinka gala baarlamaanka Nairobi.

Khasaare nafeed iyo mid hantiyeed ayaa ka dhashay isku soo baxyada maanta ka dhacay magaalada caasimadda u ah dalka Kenya, mid ka mid ah howlwadeennada caafimaadka ee gurmadka deg degga ah sameeyay ayaa sheegay inay dhaawacmeen 150 qof, halka la sheegay dhimashada 3 qof oo dibadbaxayaal ah, kuwaas oo la sheegay inay ciidamada Kenya ku toogteen afaafka hore ee xarunta baarlamaanka.

Dibadbaxayaasha ayaa diidan in baarlamaanka dowladdaasi uu ansixiyo hindise sharciyeedkan ay soo saartay xukuumadda uu majaraha u hayo Wilam Ruto, balse dowladda oo ka biya diidan dalabka dibadbaxayaasha ayaa ciidamo badan oo Boolis ah soo dhoobtay waddooyinka uu isku soo baxa ka socday, kuwaas oo toogashooyin u gaystay dadka rayidka ah, waxay sidoo kale ciidamadan adeegsanayeen sunta dadka ka ilmaysiisa.

Kacdoon wadeyaashu waxay dhankooda adeegsanayeen dhagxaan, si ay uga hortagaan rassaasta iyo sunta uu adeegsanayo ciidanka booliska ee lasoo dhoobay waddooyinka.

Xaaladda ayaa ah wali mid kacsan, madaxweynaha Kenya, ayaa horay u sheegay in uu wadahadal la furi doono dibadbaxayaasha, wallow aysan muuqan arintaasi.

Khamiistii lasoo dhaafay ayay ahayd markii dibadbaxyo ka dhan ah hindise sharciyeedkan maaliyeed ee lacagaha lagu kordhinayo dadka rayidka ah ay ka dhaceen ismaamullo badan oo Kenya dhaca, oo ay ka mid ah tahay magaalada Nairobi, halkaas oo ay ku dhaawacmeen inka badan 200 oo Kenyaan u badan, halka hal qofna uu ku dhintay.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -19-12-1445 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -19-12-1445 Hijri.

Related Stories

Wararkii Ugu Dambeeyay Bariga Dhexe Iyo Trump Oo Sheegay In Uu Kordhiyay Xabbad-joojinta.
  • Allposts
  • Warar

Wararkii Ugu Dambeeyay Bariga Dhexe Iyo Trump Oo Sheegay In Uu Kordhiyay Xabbad-joojinta.

April 22, 2026
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 05-11-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 05-11-1447-Hijri.

April 22, 2026
Askar Ka Tirsan Maleeshiyadii Uu Gurguurte Ku Qabsaday Baydhaba Oo La Dilay.
  • Allposts
  • Warar

Askar Ka Tirsan Maleeshiyadii Uu Gurguurte Ku Qabsaday Baydhaba Oo La Dilay.

April 22, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada