Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Dowladda Kenya oo Midowga Afrika Ku Wargalisay in ay ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya.
  • Allposts
  • Warar

Dowladda Kenya oo Midowga Afrika Ku Wargalisay in ay ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya.

March 4, 2020

Dowladda Kenya ayaa xusulduub ugu jirto sidii ay gabi ahaanba ciidamadeeda ugala bixi laheed gobollada Gedo iyo Jubbada hoose ee dalka Soomaaliya oo ay duullaan gardarro ah ku joogaan wax ka badan 8 sano xiriir ah.

Markii ugu horraysay ayay dowladda Kenya Iclaamisay in ay ciidamadeeda ka saarayso howlgalka AMISOM oo ah dallad ay ku bahoobeen dowladaha ciidamadoodu kusoo duuleen Soomaaliya.

Warbixin lagu daabacay Wargeyska Daily Nation ayaa lagu sheegay in wasiiradda difaaca Kenya haweenayda lagu magacaabo Monica Juma ay wadahadallo lafurayso madaxda midowga Afrika oo ku aaddan sidii ciidamada Kenya looga saari lahaa Soomaaliya iyo dalladda AMISOM intaba.

Ilo wareedyo ayaa wargeyska u sheegay in wadahadalladan looga golleeyahay qaabka ay ciidamada Kenya uga bixi lahaayeen Soomaaliya ka hor inta aan lagaarin sanadda 2021 oo ah waqtiga laduu duubayo calanka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Sida warbaahinta Kenya faafisay xukuumadda Nairobi waxay doonaysaa in ay Ururka Midowga Afrika ku qanciso in ka bixitaanka ciidamadeeda Soomaaliya uusan noqon mid anfariir ku ridda waxa loogu yeero beesha caalamka.

Bishii October 2011 ayay ciidamada Kenya kasoo tallaabeen xuduud beenaadka waxayna toos ugu biireen duullaanka shareeca ladirirka ah iyagoo marmarsiimo ka dhiganaya ka hortagga weeraro uga yimaad Shabaabul Mujaahidiin balse taas bedelkeed Al Shabaab ayaa howlgalladeeda uraratay gudaha Kenya.

Weerarada dhabbagal ah, kuwa cagmarinta ah iyo qaraxyada lagu beegsado kolonyada gaadiidka ciidanka KDF ayaa sababay in dowladda Kenya ay wax ka bedesho joogitaankeeda gudaha dalka Soomaaliya.

Weeraradii ugu khasaaraha badnaa abid ee ciidanka Kenya ay lakulmaan waxay ka dhaceen deegaannada Ceelcadde iyo Kulbiyoow oo ka kala tirsan gobollada Gedo iyo Jubbada hoose ee Koonfurta Soomaaliya.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Dagaal Lagu Dhaawacay Xasan Bujac.
Next: Kamiin Iyo Duqeyn Ka Dhacday Wilaayada Hiiraan.

Related Stories

Ciidanka Kenya Oo Toogasho Ku Dilay Qof Soomaali Ah.
  • Allposts
  • Warar

Ciidanka Kenya Oo Toogasho Ku Dilay Qof Soomaali Ah.

April 22, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -05-11-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -05-11-1447 Hijri.

April 22, 2026
Maamulka Gobolka Tigray Oo Jawaab Ka Bixiyay Go’aan Kasoo Baxay Jabhadda TPLF.
  • Allposts
  • Warar

Maamulka Gobolka Tigray Oo Jawaab Ka Bixiyay Go’aan Kasoo Baxay Jabhadda TPLF.

April 22, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada