Wararka ka imaanaya gobollada waqooyi Bari Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar xagga cirka ah lagu qaaday qaar kamid ah xoogagga hubaysan ee weerarada ka geysta gudaha Badda.
ilo wareedyo ayaa sheegaya in shalay gelinkii dambe diyaarad Drone ah ay dhowr gantaal ku beegsaday doon ay la socdeen illaa iyo Afar ruux xilli ay doonayeen in ay zaad ugeeyaan dagaalyahanno kale oo dulsaaran markab uqafaalan kooxahaasi.
Jugta qaraxyo waaweyn ayaa laga maqlay xeebaha deegaanka Garmaal ee gobolka Nugaal kuwaas oo ka dhashay gantaallada ay tuurayeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn.
Wararka ayaa intaas ku daraya in ay geeriyoodeen dhammaan raggii la socday doonta ee kusii jeeday markabka SWAD ee tan iyo billaawgii sanadkan uqafaalan kooxaha burcad badeedda loogu yeero.
Dhalinyarada ladilay oo tiradooda gaaraysay 4 ruux ayaa la sheegay in ay kamid ahaayeen ragga hubaysan ee maalmo ka hor qafaalka ku qabsaday markab shixnado melleteri iyo qalab dhisme usiday dowladda Turkiga.
illaa iyo hadda ma jiro cid sheegatay mas’uuliyadda duqeynta balse waxaa latuhunsanyahay in diyaaradaha Turkiga ay weerarkan geysteen maadaama mid kamida maraakiibta uqafaalan kooxahan oo uu ka babanayo calanka Kaamiruun laga leeyahay wadanka Turkiga wuxuuna gacana kooxahan galay xilli uu kusii jeeday dhanka dekadda Muqdisho.