War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dowladda Ereteriya ayaa lagu sheegay in xukuumadda Itoobiya ay qaadday tallaab halis ku ah amniga iyo madaxbanaanida Ereteriya sidaas daraadeed heegan lageliyay dhammaan awoodaha difaaca dalka.
Xukuumadda Asmar waxay ku dhawaaqday in ay jartay dhammaan cilaaqaadkii kala dhaxeeyay Itoobiya, Ereteriya waxay xirtay safaaradeedii Addis Ababa waxayna soo qaadatay diblumaasiyiinteedi sidaas si lamid ah waxay soo ceyrisay diblumaasiyiin itoobiyaan ah oo wadankeeda ku sugnaa.
Dhinaca kale dowladaha Masar iyo Itoobiya ayaa isweydaarsaday ceyrinta diblumaasiyiin sarsare, warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa lagu sheegay in dalka laga ceyriyay Axmed Muxarram Suleymaan oo ah diblumaasi sare oo katirsan safaaradda Masar waxaana loo qabtay in uu 48 saac gudahood uga baxo Itoobiya.
Saacado kadib xukuumadda Alqaahira ayaa ku dhawaaqday in ay soo ceyrinayso lataliyaha safaaradda Itoobiya ee Masar waxaana lagu amray in uu muddo 48 saacadood gudahood ah uga baxo dalka Masar.
Xiisadaha diblumaasiyadeed ee udhaxeeya sedaxdan dowladood ayaa laga cabsi qabaa in ay weji cusub uyeelaan loollanada ka jira geeska qaaradda Afrika.
dowladda Itoobiya ayaa ku eedaynaysa Masar iyo Eereteriya ay in ay taageero siyaasadeed iyo mid melleteri siinayaan jabhadaha mucaaradka ah ee dagaalka ugu jira sidii ay uridi lahaayeen nidaamka Abiy Axmed.