Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika, ayaa sheegaya in kooxo hubeysan oo u dhashay dalkaasi ay saacadihii lasoo dhaafay toogasho ku dileen mid ka mid ah Soomaalida ku dhaqan dalkaasi.
Dilkan, ayaa si gaar ah looga soo calaamadiyay afaafka hore ee dukaan ganacsi oo uu ganacsaduhu joogay, kaasi oo kuyaal xaafadda strand ee magalada Cape Town, kooxda oo loo badinayo inay yihiin burcad Koonfur Afrikaan ah ayaana si bareer ah u toogtay ninkaasi.
Cabdullaahi Mukhtaar Cumar, ayaa magaciisa lagu sheegay qofka kooxahaasi ku dileen albaabka dukaankiisa, waana qofkii 7-aad oo bishan gudaheed lagu dilo xaafadaha hoostaga magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Africa.
Baraha bulshada, waxaa si wayn u qabsaday muuqaal u muuqda inay duubeen kooxaha dilka gaystay, waxaana laga dheehan karaa qofka Soomaaliga ah oo lagu hor tooganayo albaabka dukaankiisa ganacsi.