Madaxa Kooxda Riddada Soomaaliya ayaa weerar afka ah ku qaaday Imaaraatka Carabta isagoo si cad u sheegay in xukuumaddaasi ay kashaqeynayso ficillo kadhan ah xukuumadiisa wuxuuna kugoodiyey in ay talaabooyin qaadayaan.
Isagoo kalimad ka jeedinayay warbaahinta ku hadasha afka kooxda Riddada Soomaaliya ayuu si aan gabasho laheyn u dhaleeceeyey taageerada ay dowladda Imaaraadka Carabta siiso siyaasiyiinta mucaaradka ah iyon maamullada ashahaadda ladirirrada ah ee kajiro dalka sida Puntland, Jubbaland iyo Somaliland oo uu ku sheegay mid halis gelinaysa amniga kooxda Riddada.
Hoggaamiyaha kooxda Riddada Soomaaliya wuxuu soo hadal qaaday tahriibintii Caydaruus Subeydi madaxii maamulka Koonfurta Yemen oo horey u maray magaalada Berbera, kadibna kasii duulay garoonka Muqdisho.
Marka lagasoo tago eedaymaha uu Xasan Gurguurte ujeediyay xukuumadda Abu Dubaui ma sheegin wax tallaab ah oo ay qaadayaan taas bedelkeed wuxuu dalbaday wadahadal in lagu dhammeeyo khilaafka.
Dowladda Riddada Imaaraatka Carabta ayaa sanaddii 2022 mas’uul ka aheyd in Xasan Sheekh uu noqdo madaxweynaha kooxda Riddada iyadoona lacago boqolaal milyan ah ku bixisay doorashadiisi iyo nidaamka hadda jiro balse markii dambe ayay ku kala tageen arrimaha siyaasadda waxaana xusid mudan in Imaaraatku uu kooxda Xasan Gurguurte utababaray una qalabeeyay ciidan ku dhow 14 kun oo askari.
Xasan Gurguure oo ah bilaash xeyte isbed bedel badan oo lamoodo in afkiisa iyo dhegihiisu aysan ismaqlin ayaa horay ammaan ugala duldhici jiray dowladda riddada imaaraatka carabta isagoo ku bogaadin jiray kaalinta ay ka qaadanayso duullaanka ashahaadda ladirirnimo ee ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed.