Golaha ay ku midaysan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka ayaa sida ay wararku tibaaxayaan, habeennimadii xalay isku raacay in aysan ka qeybgelin gogol wada-hadal oo mar kale fidiyey madaxa kooxda Villa Soomaaliya, murtad Xasan Sheekh Maxamuud.
Go’aankan ayaa la sheegay in uu soo baxay kaddib kulamo iyo wada-xaajoodyo xalay dhexmaray xubnaha golaha mucaaradka iyo sidoo kale Ra’iisul Wasaarihii hore ee kooxda riddada, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo sida la sheegay ergo ka ahaa, Xasan Gurguurte.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Saacid uu xubnaha Golaha gaarsiiyay farriin uu ka waday Xasan Sheekh, taas oo la xiriirtay codsi ah in mucaaradku aqbalaan gogosha wada-hadalka ee mar kale uu fidiyey Xasan Gurguurte, taas oo lagu tilmaamay mid lagu xallinayo khilaafka siyaasadeed.
Sida ay wararku sheegayaan, kadib markii siyaasiyiinta mucaaradku dhagaysteen farriintan ka timid murtad Gurguurte, waxay isla goobta ka caddeeyeen in aysan diyaar u ahayn aqbalaadda gogoshaasi, waxaanay ku adkaysteen mowqifyadoodii hore.
Fashilka gogashan cusub ee Gurguurte fidiyey saacadihii lasoo dhaafay, ayaa imanaysa iyadoo usbuucii lasoo dhaafay cid soo xaadirta la waayay gogol muddo dhowr cisho ah taallay oo dhowaan uu Xasan Sheekh u dhigay siyaasiyiinta mucaaradka.
Khilaafkan sii laba-laxaadsaday ee u dhexeeya daba-dhilifyada Soomaaliya, ayaa salka ku haya arrimo ay ka mid yihiin hannaanka doorasho-ku-sheegyada riddada, wax-ka-beddelka dastuur-gaalleedka iyo weliba muddada xil-haynta kooxda uu garwadeenka ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud.