Dhacdo aad looga murugooday ayaa maanta ka dhacday magaalada Hargeysa kadib markii cisbitaalka guud ee magaalada ay subaxnimadii hore ee saaka isku dhex dishay hooyo ummul ah.Hooyadan oo ka mid ahayd dadka danyarta ah ee ku nool magaalada Hargeysa ayaa la sheegay inay is daldashay kadib markii maamulka cisbitaalku diidday inuu daaweeyo ilmo yar oo jirran oo ay wadatay.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in hooyadan la noolayd duruufaha dhaqaale uu maamulka cisbitaalku ku war-geliyey in aan loo daawaynayn ilmaha ilaa ay ka bixinayso lacagta loo baahan yahay.
Wax yar kadib waxaaba la arkay hooyada oo naftu ka baxday oo mayd ah, isla markaana ilmihii yaraa ee ay wadatay oo todoba cisho oo kaliya jiray, isna la sheegay in xaaladdiisa ay kasii dartay, aad-na u adag tahay.
Arxan-darrada dhan walba ah ee maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland uu ku hayo shacabka masaakiinta ah ee ku nool deggaannada waqooyi-galbeed ayaa la sheegay in muddooyinkan dambe ay sii laba-jibbaarantay.
Shacabka ayaa bilihii lasoo dhaafay si weyn uga cabanayay adeegyada caafimaad ee cisbitaalka guud iyo kharashaad tiro-beel ah oo uu soo rogay, iyadoo dhawaan uun ahayd markii banaan-bax weyn oo cabasho ah ay sameeyeen dadka kalyuhu fariisteen ee bukaan-jiifka ku ah cisbitaalkan.