Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Iska hor’imaad Culus Oo Muqdisho Ku Dhexmaray Maleeshiyada Gurguurte Iyo Kuwa Mucaaradka.
  • Allposts
  • Warar

Iska hor’imaad Culus Oo Muqdisho Ku Dhexmaray Maleeshiyada Gurguurte Iyo Kuwa Mucaaradka.

September 24, 2025

Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo gelinkii dambe ee maanta degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho ku dhex-maray maleeshiyo ka wada tirsan murtadiinta oo kala taabacsanaa mucaaradka iyo kuwa kooxda Riddada Soomaaliya.

Dagaalka ayaa yimid markii maleeshiyada kooxda Riddada ee Gurguurte ay burburin ka billaabeen xaafadda Siinaay ee degmada Wardhiigley, halkaas oo ay degganaayeen dad shacab ah, sidoo kalena jirdil u gaysteen dad rayid ah oo ay ku jiraan waayeello.

Mucaaradka Riddada oo uu hoggaaminayay Shariif murtad ayaa gaaray meel u dhow saldhigga Booliiska ee degmada Wardhiigley, waxayna sheegeen inay halkaas u tageen si ay uga hadlaan dhul-boobka uu wado murtad Gurguurte, waxaana goobta isku qabtay maleeshiyo ka tirsan kooxda Riddada iyo kuwa ilaalada u ah mucaaradka oo halkaasi ku sugnaa.

Dagaalka ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxayna labada dhinac ku dhex dagaallamaeen dad shacab ah oo aan hubeysnayn oo xaafaddaasi ku sugnaa, waxaana halkaas ka dhashay khasaare kala duwan oo soo gaaray dad rayid ah iyo labada dhinac ee dagaallamay.

Mucaaradku waxay sheegeen in dagaalka ka dhacay Siinaay looga dilay hal askari oo ka mid ahaa ilaalada murtad Xassan Cali Khayre, halka mid kalena uu dhaawac soo gaaray, waxaa sidoo kale mucaaradka laga gubay hal gaari.

Murtad Xassan Cali Khayre oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka oo ka mid ahaa xubnihii shirka jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in dagaalkii dhacay uu ahaa isku day uu Xassan Gurguurte doonayay in uu kusoo afjaro mucaaradka.

Shariif murtad oo ah hoggaamiyaha mucaaradka ayaa dhankiisa ka hadlay shirka jaraa’id, wuxuuna ku dhawaaqay in mucaaradku hoggaamin doonaan isku soo baxyo ka dhan ah dhul-boobka iyo dhibaatada uu Muqdisho ka wado murtad Gurguurte, bannaanbaxaas ayaana billaaban doono sida uu sheegay Sabtida soo socota.

Dhankeeda kooxda Riddada, taliyaha ugu magacaaban Booliiska Banaadir murtad Mahdi ayaa hadlay, wuxuu sheegay in mucaaradku soo weerareen saldhigga Booliiska degmada Wardhiigley, sidaana uu dagaalku ku billowday.

Dagaalkii maanta Muqdisho ku dhexmaray ilaalada mucaaradka iyo maleeshiyada kooxda Riddada Soomaaliya waxa khasaare kale uu kasoo gaaray dad shacab ah oo ka agdhawaa goobaha lagu dagaaallamay, waxaa ka mid ahayd dadka dhaawacmay hooyo uur lahayd oo uu soo gaaray dhaawac culus sida ilo wareedyo sheegeen.

Inka badan 10 qof oo rayid u badan ayaa ku dhaawacmay dagaalkaasi sida lasoo wariyay, wuxuuna qayb ka yahay iska hor’imaadyo maalmihii dambe ka dhacayay Muqdisho oo la xiriira dhul-boobka uu madaxa kooxda Riddada ka wado magaalada Muqdisho.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -02-04-1447 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -03-04-1447-Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -05-11-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -05-11-1447-Hijri

April 21, 2026
Iiraan Oo Ka Hor-timid Safiirka Yahuuddu Usoo Magacaabay Maamulka ‘Somaliland’.
  • Allposts
  • Warar

Iiraan Oo Ka Hor-timid Safiirka Yahuuddu Usoo Magacaabay Maamulka ‘Somaliland’.

April 21, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -04-11-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -04-11-1447 Hijri.

April 21, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada