Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Kadib Heshiiskii Al-Siisi iyo Gurguurte, Itoobiya Oo Dhaqdhaqaaqyo Ka Billawday Xuduud-beenaadka.
  • Allposts
  • Warar

Kadib Heshiiskii Al-Siisi iyo Gurguurte, Itoobiya Oo Dhaqdhaqaaqyo Ka Billawday Xuduud-beenaadka.

August 15, 2024

Sagaakii bishan aynu ku guda jirno ee Agoosto, golaha amaanka midowga Afrika ayaa soo saaray, qoraal dheer oo uu uga hadlayo xaalada Soomaaliya iyo marxalada kala guurka ah ee uu ku jiro duullaanka saliibiga ah ee ay ku joogaan waddanka.

AU ayaa sheegtay in kadib sanadka 2025 marka uu soo gabagaboobo howlgalka ATMIS ay ku dhawaaqi doonaan mid kale oo soconaya muddo kooban, islamarkaana qeyb ay ka yihiin dowlado cusub oo aan horay ugu  jirin isbahaysiga uguna horayso  dowlada Masar.

Go’aankaasi ayaa ahaa dhawaaq aan uwanaagsanayn  dhagaha qaar kamid ah xulufada ku bahowday dagaalka ka dhanka ah islaamka ee ka socda Soomaaliya, waxaana Addis Ababa iyo Qaahira ka billaawday kulamo iska soo horjeeda oo Masar ku doonayso in ciidankeeda ku  keento dalka ,iyo dadaallo Itoobiya ay ku rabto in ay ku hor istaagto qorshahaasi.

Xiisada ayaa faraha kasii  baxday markii maalinkii shalay madaxwaynaha Kooxda Riddada murtad Xasan Sheekh Maxamuud uu heshiis dhinaca difaaca ah la galay Masar, kaas oo dhigaya in Qaahira ay ciidankeeda keento qeybo koonfurta iyo bartmaha Soomaaliya.

Tallaabadaasi waxaa aad uga carooday dowlada Itoobiya oo durba billawday dhaqdhaqaaqyo milatari, maadaama ay aaminsantahay in xudduudeeda uu kusoo dhawaanayo duul ay cadow u aqoonsantahay kalana  dhaxeeyo siraac  dhaqaale iyo mid milatari.

Afhayeenka wasaarada arimaha dibada Itoobiya  Nebiyu Tedla oo warbaahinta kula hadlay Addis ayaa digniin udiray midowga Afrika, wuxuuna  u sheegay golaha in ay qasab tahay in lagala tashto  howlgalka cusub ee Soomaaliya, sidoo kalane laga fogaado xiisad cusub oo gobolka  ka dhalata.”Si taxadar leh ha looga fiirsado isbeddelada ciidamada nabad ilaalinta Somalia, si looga fogaado xiisado lama filaan ah oo gobolka ka dhaca.” ayuu yiri afhayeenka wasarada arimaha dibada xukumada Addis Ababa.

Kooxda Ridada ayaa horay usheegtay in hadii ay iyada iyo Abey Axmad gaarin heshiis rasmi ah, aysan ciidanka nasaarada itoobiya qeyb ka noqon doonin, howlgalka cusub ee midowga Afrika, tani oo lagu daray  heshiiskii Al-siisi iyo Gurguurte ayaana keenay in  Itoobiya ay feejignaan ka muujiso xaaladaha bilaha soo socda kasoo wijihi kara Soomaaliya.

Saacado kadib hadalka  Nebiyu Tedla , milatariga xabashida ayaa  bilaabay dhaqaaqyo milatari oo waaweyn, waxaana xuduud beenaadka udhaxeeya dhulka Soomaali Galbeed iyo Soomaaliya soo gaaray janaraallada ugu sareeya milatariga Itoobiya oo uu horkacayo taliyahooda guud Berhanu Jula.

Jula oo gelinkii danabe ee maanta ka dagay deegaanka Feerfeer oo ay Itoobiya ka hirgalisay saldhig ciidan, ayaa usheegay ciidankiisa in ay halkaan ujoogaan difaaca dalkooda oo uu carabaabay  in ay ka  difaacayaan cadaw  , loogana baahanyahay in ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah. magaalada Godey ee dhulka Soomaali Galbeed ayaa iyadana laga hirgaliyay garoon diyaaradeed  , ilo wareedyo milatari ayaa sheegay in saldhigaani laga hagi doono diyaaradaha aan aan duuliyaha laheyn ee xabashidu kasoo iibsadeen Turkiga ..

Dhaqaaqyadaani ciidan ee ay Itoobiyaanku durba bilaabeen ayeey falanqeeyaashu ku sheegayaan mid looga jawaabayo heshiiskii Qaahira ku dhaxmaray Gurguurte iyo Al-Siisi, kaas oo xukumada ridada Mogdisho Masar ugu sharciyeysay in ay ciidankooda soo galiso dalka, saldhigyana kasiiso goobo ay kamid yihiin xuduud beenaadka udhaxeeya Soomalai Galbeed iyo Soomaaliya.

Dhanka kale Labo maalin kadib markii ay fashilmeen wadahadalladii magalada Ankara uga socday Kooxda Ridada iyo  Itoobiya, ayey xukumada Addis Ababa waxay sheegtay in ay  fulin doonto heshiiskii ay la galeen maamulka Soomaaliland, ayna lagama maarmaan tahay in 120-ka  milyan ee Itoobiyaanka ay bad ka heleen xeebaha Bada Cas.

Afhayeenka wasaarada arimaha dibada Itoobiya Nebiyu Tedla oo hadlayay ayaa sheegay in aysan gadaal uga laaban doonin isfahmkii ay la galeen Muusa Biixi horaantii sanadkaan, baahida ay Itoobiya bad uqabtana ay  dareensan yihiin dowladaha caalamka.

“Dowlad ahaan Itoobiya, weydiinteeda ku aadan in ay bad hesho,waxaa loo arkayay arin ceeb ah,laakiin dhamaan dhaxdhaxaadiyayaasha oo Turkigu ku jiro,iyo daneeyayaasha caalmiga ah waxay ka garaabayaan  in ay Itoobiya adeeg badeed ku hesho qaab  nabadgalyo ah,arintaas oo caalamka aqbalay ,anaga wax weyn ayeey nooga dhigantahay,sidaa darteed arimahaas ayaan hada sii    dardargalinaynaa,baahida aan uqabno adeeg badeed, waxay noqonaysaa mid si xoogleh  aan uga shaqayno” ayuu yiri Nebiyu Tedla

Nidaamka Abey Axmad ayaa dadaalkasta ku bixinaya sidii saldhigyo ciidan iyo dekado uga samaysan lahaa xeebaha Bada Cas, Abiy ayaana qaadaya talaabo kasta oo uu ku rumayan karo riyada ay ku taamayaan malaayin Itoobiyaan ah, sidii loo  rumayan lahaana ay kasoo shaqeeyeen boqoro iyo hogaamiyaal  soo maray dowladaani kor usida bandiirada saliibka, nasaaradana ku matalaysa mandiqada geeska Afrika, hiigsanayna in ay xeebaha Bada Cas unoqoto albaab ay  ka galaan qabsashadaa dhulalka barakaysan.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -11-02-1446 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -12-02-1446-Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 06-11-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 06-11-1447-Hijri.

April 23, 2026
Shariif Sheekh Axmed Oo Si Adag U Diiday Doorasho Hal Dhinac Ah Oo Uu Qabsado Gurguurte.
  • Allposts
  • Warar

Shariif Sheekh Axmed Oo Si Adag U Diiday Doorasho Hal Dhinac Ah Oo Uu Qabsado Gurguurte.

April 23, 2026
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -06-11-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -06-11-1447-Hijri

April 23, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada