Wararka ka imaanaya dalka Kenya, ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay weerareen saldhig booliis oo kuyaal deegaan dhaca waqooyi galbeed ee dalka Kenya, halkaas oo ay ka dhasheen khasaare ciidanka soo gaaray.
Ugu yaraan hal askari oo Boolis ah ayaa dhaawac culus uu kasoo gaaray weerarkan oo isniintii shalay rag hubaysan ku qaadeen saldhigga Booliska ee Lomut oo ka tirsan degmada Pokot ee ismaamulka galbeedka Pokot.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in weerarku dhacay abbaare 9:00 fiidnimo, xilli saldhigga ciidanka Booliska iyo weliba xarunta suuqa deegaankuba ay koronto la’aan ahaayeen muddo laba maalmood ah.
Saraakiisha ciidanka Booliska dowladda Kenya waxay sheegeen in aan weli la aqoonsan cidda weerarka geysatay iyo sababta ka dambeysay, balse ay baaritaanno arinkaas ku saabsan wadaan.
Sidoo kale, dhacdo labaad oo weerar ah aya isla habeenkaas laga soo tebiyay dhanka Turkana, dabley hubeysan ayaana weerartay saldhigga Booliiska ee Kibish, kaas oo sidoo kale ah xarunta maamulka degmada Turkana.
Weerarkan labaad ayaa lasoo wariyay in dhinacyadu is rasaaseynayeen muddo ku dhow hal saac iyo bar, lamana soo werin khasaare dhimasho iyo mid dhaawac oo ka dhashay weerarka labaad.
Deegaannada weeraradu ka dhaceen waxaa mararka qaar ka dhaca iska hor’imaadyo u dhaxeeya ciidanka Kenya iyo kooxo hubeysan, waxaa sidoo kale laga soo calaamadiya weerarada burcadda iyo dadka deegaanka.