Waxaa lagu soo waramayaa in ugu yaraan 17 qof oo dhalinyaro Soomaaliyeed ah ku dhinteen badda u dhaxaysa dalalka Spain iyo Al-jazaa’ir, halkaas oo ah marin ay ka gudbaan tahriibeyaasha.
Dhalinyarada ku le’atay biyaha badda, ayaa lasoo wariyay inay ka koobanyihiin shan gabdhood iyo 12 wiil, waxay doonayeen inay u tallaabaan qaaradda Yurub oo ay tahriib ku galaan.
Ilo wareedyo ayaa sheegay in dooni ay saarnaayeen ay la degatay, taasi oo keentay inay badda ku dhamaadaan, lama shaacin magacyada dhalinyarada ku le’atay biyaha badda, maadaama xogtan la shaaciyay gelinkii dambe ee maanta.
Biyaha uu shilku ka dhacay, ayaa marin u ah kuamannaan tahriibeyaal ah oo sannnad walba naftooda halis u geliya si ay u gaaraan qaaradda Yurub.