Kaddib weerarkii safka ballaaran ku socday ee ciidamada mujaahidiinta jamaacada Nusratul islaam wal-muslimiin iyo dhaqdhaqaaqa Azawaadka Sabtidii Shalay ay ku ekeeyeen magaalooyinka ugu muhiimsan Maali oo ugu horrayso magaalo madaxda Bomako, ayay soo baxayaan warar xaqiijinaya dilka wasiirka gaashaandhigga Maali, halka sidoo kale maanta ay dhaceen weeraro horleh oo lagu ekeeyay talisyo ciidan oo ay leeyihiin ciidanka Riddada Maali.
Wakaaladda wararka Faransiiska, ayaa sheegtay in weeraradii ka dhacay Bomaako iyo nawaaxigeeda lagu dilay wasiirka difaaca Maali, General Sadio Camara, sida ay xaqiijiyeen qoyska generaalkaasi.
Mid ka mid ah qoyskiisa, ayaa xaqiijiyay in weerarka lagu dilay wasiirkii dagaalka ee Maali uu ka dhacay Kati oo u dhow Bomako oo ah caasimadda dalka Maali, sidoo kale masuuliyiin ka tirsan dowladda Maali, ayaa xaqiijiyay dilka masuulkan.
“Waxaan waynay shakhsi muhiim ah, kaasi oo ah wasiirka difaaca”, waxaa sidaas laga soo xigtay ilo wareed ka tirsan xukuumadda Maali.
Dhanka kale, weeraro culus ayaa maanta laga soo calaamadiyay magaalada Kaati oo talis u ah millatariga afgambiga ku qabsaday talada dalka Maali, goobjoogeyaal ku sugan Kati ayaa warbaahinta caalamiga ah u xaqiijiyay isku dhacyada hubeysan ee u dhaxeeya ciidanka mujaahidiinta iyo xoogagga Azawaadka oo dhinac ah iyo maleeshiyada Riddada Maali ee maanta dib uga qarxay Kaati oo ah magaalo u dhow Bomako.
Dhanka kale, ciidanka murtazaqada Ruushka, ayaa maanta isaga baxay magaalada Kiidaal oo ka mid ah goobaha Sabtidii shalay laga xoreeyay millatariga dalka Maali, war kasoo baxay xoogagga Azawaadka ayaana lagu sheegay inay heshiis ku baxeen ciidanka uu ku adeegto Ruushka.