Xilli maalmihii lasoo duqaymo dad ku dhinteen, doonyana lagu gubay ay ka dhaceen xeebaha gobolka Nugaal ee dhaca waqooyi bari Soomaaliya, ayuu maamulka Ashahaada la dirirka ah cambaareeyay weeraradaasi.
Warxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Amniga maamulka Riddada ee Siciid Deni, ayaa lagu sheegay in maamulkooda uu kasoo horjeedo duqaymaha ay ku sheegeen in maraakiibta dagaaalka ee caalamiga ah ay ku beegsanayaan dadka shacabka ah iyo hantidooda ee ku sugan deegaannada u dhow aagga ay kooxaha hubeysan ku haystaan maraakiibta Shisheeye.
Dhinacyada ku lugta leh duqaymaha ayay ugu baaqday inay jawaab deg deg ah ka bixiyaan ujeedka howlgalkooda, kuwaas oo ay sheegtay inay beegsadeen dad kalluumeysato ah iyo hantidooda.
Warka kasoo baxay maamulka Ashahaada la dirirka Puntland, ayaa kusoo beegmaya xilli duqayn cusub oo ka dhacday xeebaha gobolka Nugaal gaar ahaan deegaanka Garmaal lagu gubay doonyo ay leeyihiin dad kaluumeysato ah.
Waxaa duqaynta dambe ka horreysay duqayn lagu dilay ilaa afar qof oo lagu sheegay inay kalluumeysato yihiin, waxaana duqaymahan loo badinayaa inay ka dambeyso dowladda Riddada Turkiga oo kooxaha hubeysan gacanta uga dhigeen mid ka mid ah maraakiibta lagu haysto biyaha gobolkaasi.