Xiisado colaad ayaa ka aloosan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug halkaas oo lafilayo in uu gaaro Xasan Gurguurte madaxa kooxda Riddada Soomaaliya iyadoona digniino ay kasoo yeereen maamulka Puntland.
Xasan Gurguurte oo shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb ayaa la sheegay in booqan doono deegaanka Xanaanbuurre oo ay ku suganyihiin qaar kamid ah maleeshiyaadkii kooxda Ridada ugu talashay in ay kula dagaallanto maamulka Saciid Deni balse guuldarrooyin is xigxiga lasoo kulmay.
ilo wareedyo ayaa tibaaxaya in Gurguurte uu usii gudbi doono Koonfurta magaalada Gaalkacyo halkaas oo uu ka arrimiyo maamul gacan saar laleh kooxda Ridada Soomaaliya.
maamulka Ashahaadda ladirirka Puntland ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in uu si dhow ula socdo qorshaha safar ee Xasan Sheekh Maxamuud ku tagayo Koonfurta Gaalkacyo wuxuuna ku eedeyay in safarkaasi qayb ka yahay abaabul siyaasadeed oo keeni kara xiisad iyo qalalaase amni.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in maleeshiyaadka maamulka la geliyey heegan buuxa islamarkaana uu qaadi doono tallaabooyin dheeraad ah oo lagu adkeynayo ammaanka Mudug gaar ahaan Gaalkacyo iyo deegaannada hoos yimaada.
“Ciidamada ammaanka maamulka Puntland waxay heeggan ugelayaan sugidda amniga Gaalkacyo waxaana ka digaynaa khalalaasaha ka dhasha safarka madaxweyinihii hore ee dowladda Federaalka uu ku tagayo koonfurta Gaalkacyo” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay maamulka Saciid Deni.
Dhinaca kale maamulka Ashahaadda ladirirka Galmudug ayaa ka jawaabay goodiska dhanka Puntland.
Wasiirka amniga Galmudug ayaa warbaahinta usheegay in Xasan Gurguurte uu iyaga marti u yahay islamarkaana warka kasoo yeeray maamulka waqooyiga Gaalkacyo aan la aqbali karin.