Dowladda Saliibiyadda Maraykanka ayaa mar kale walaac xooggan ka muujisay caqabadaha amni ee ku gedaaman kooxda riddada, xilli ciidamada isbahaysiga AUSSOM ay ku jiraan diyaargarow ay doonayaan inay kaga insixaabeen dalka Soomaaliya.
Waraaqo ay safaaradaha Maraykanku u kala direen dalalka ciidamadoodu qaybta ka yihiin hawlgalka AUSSOM iyo sidoo kale kooxda riddada Soomaaliya, ayaa lagu iftiimiyey welwelka uu Maraykanku ka qabo nugeylka maleeshiyaadka riddada ee garwadeenka uu ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud.
Waraaqahan oo uu arkay wargeyska Kenya ee The EastAfrican, ayay sidoo kale Washington si cad ugu muujisay sida ay uga niyad-jabtay kooxda riddada, isla markaana u saluugsan tahay qaabka ay u maareeyaan amniga goobaha ay gacanta ku hayaan.
Qoraalka diblomaasiyadeed ee Maraykanku soo saaray ayaa sidoo kale bannaanka keenay xaaladda adag ee ay wajahayso kooxda riddada Soomaaliya, iyo cabsida xooggan ee kuffaartu ay ka qabto in mujaahidiintu ay la wareegaan guud ahaan dalka Soomaaliya.
Qaylo-dhaanta maamulka Trump ayaa kusoo aadaysa xilli dowladda Saliibiyadda Uganda ay si rasmi ah u shaacisay in dhammaan ciidamadeeda ay kala baxayso Soomaaliya, isla markaana ciidamada Maraykanku ay isaga insixaabeen saldhigga Balli-doogle ee wilaayada Shabeellaha hoose.