Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Machad laga leeyahay Mareykanka Oo Daraasad Ka Sameeyay Warbaahinta Al Shabaab.
  • Allposts
  • Warar

Machad laga leeyahay Mareykanka Oo Daraasad Ka Sameeyay Warbaahinta Al Shabaab.

February 14, 2024

Mid ka mid ah diraasaatka laga qoray ololaha warbaahineed ee ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab qaaday labadii sano ee u dambeysay, waxaa ka mid ah diraasad uu qortay machadka caalamiga ee qaabilsan waxa loogu yeero la dagaalanka argigixisada.

taas oo cinwaan looga dhigay “Ma taageerayaal mise team ku aadan furin dagaal” waxaana daraasadan diirada lagu saaray sida fariiqa Al-Shabaab u qaabilsan warbaahinta baraha bulshada, ay ugu guuleysteen inay suuq geeyaan aragtida Jihaadiga ee ay xambaarsan yihiin, iyo saameynta ay ku yeesheen baraha ugu caansan ee ay bulshadu ku wada xiriirto.

Global Network on Extremism and Technology, waa mac-had ka shaqeysa dabagalka iyo la socodka dhaqdhaqaaqa Jihaadiyiinta ee internetka, iyo waxyaabaha looga hortagi karo in ururada islaamiga ay fariimahooda ku faafaan baraha bulshada.

Mac-hadka ayaa diraasadan uu soo saaray ku faahfaahiyey sida xowliga ah ee ay Internet ka ugu faafayaan rasaa’ilka mujaahidiinta bariga Africa, iyo inay kusii xoogeysanayaan marba marka kasii dambeysaa kusoo biirista baraha kala duwan ee isticmaalaan dadyowga caalamka.

Daraasada ayaa lagu sheegay in 10kii sano ee lasoo dhaafay ay xarakada mujaahidiinta Al-Shabaab, mudnaan xooggan siineysay warbaahinta oo ah jaanib muhiim ah marki la joogo dagaalka, iyagoona si joogta ah usoo gubinayey fariimaha taageeraya, kacdoonka ay kaga soo horjeedaan xukuumada Muqdisho iyo dowladaha reergalbeedka ee taageeraya nidaamkaasi.

“Al-Shabaab waxay 10-kii sano ee lasoo dhaafay laba laabtay awoodda ay ku leedahay baraha bulshada, iyadoo faafineysa fariimeheeda, war saxaafadeedyadeeda gaarka ah iyo xitaa muuqaaladeeda” ayaa lagu yiri daraasadan Global Network.

Waxaa sidoo kale la sheegay in hay’adaha ka shaqeeya waxa loogu yeero la dagaalanka argigixisada, aysan si wanaagsan u fahmin istaraatiijiyada warbaahineed ee Al-Shabaab, iyo xeeladaha ay u adeegsadaan baraha bulshada, sidaas darteedna uu uusan saameyn yeelan isku dayadooda ku aadan iney ka hortagaan faafitaanka fariimaha mujaahidiinta.

Waxuu sidoo kale mac-hadkan sheegay in Al-Shabaab ay taageero xoogan ku leeyihiin baraha bulshada, kuwaas oo si aan daahsiimo leheen ku faafinaya rasaa’ilka mujaahidiinta, isagoo sheegay Global Network in tani ay tahay caqabad kale oo aan looga hortgi karin in Al-Shabaab laga xakameeyo xaga Internet-ka.

Fariiqa qoray diraasadan ayaa sheegay inay u tafaruqeen una kuurgaleen sida ay Al-Shabaab risaaladooda ugu faafiyaan baraha bulshada, waxayna sheegeen in wakhti ka mid ah wakhtiyada ay ku guda jireen baaritaankooda ku aadan arinkan, uu kusoo beegmay weerarkii Buula-Mareer ee dhacay bishii May ee sanadkii tagay ee 2023, xilligaas oo muddo 3 bilood ah ay indhaha ku hayeen sida ay Mujaahidiintu usoo tebinayeen weerarka, iyo sida ay maadada ay baahinayaan u fadeexeyneysay dhinaca kasoo horjeeda.

“Al-Shabaab waxay isticmaalaan shabakad warbaahineed oo ballaaran misana isku xiran, hadey tahay kuwa baahiya sawirada iyo muuqaalada sida alktaa’ib, haddii tahay idaacadaha sida Andalus iyo haddii ay tahay baraha bulshada sida Facebook, Telegram iyo kuwa lamidka ah, kuwaas oo dhamaantood waxay kooxdu u adeegsataa iney ku faafiyaan fariimohooda” ayaa lagu yiri diraasada cusub.

Qoraalka mac-hadka Global Network oo sii socda ayaa lagu yiri “Baraha bulshada ayaa ah hubka ugu halista badan ee ay adeegsadaan kooxda Al-Shabaab, si ay dhidibada ugu aasaan istaraatiijiyadooda ku aadan inay ku sii negaadaan minbarada warbaahineed, Ragga kooxda u qaabilsan baraha bulshada ayaa ah rag isku xiran oo awood u yeeshay inay maamulaan macluumaadka kusoo dhacaya, iyagoo soo bandhigaya quwadooda xilliyada guusha, sidoo kalena ilaashanaya wujuudkooda warbaahineed xilliyada ay la kulmaan guuldarada” .

Diraasada ayaa iclaamka Mujaahidiinta ku sheegtay inuu yahay mid ku suntan degdegsiimada iyo soo bandhigida xaqiiqada, iyadoo tusaale usoo qaadatay in weerarkii Buula-Mareer uu khabarka Mujaahidiinta ahaa midkii ugu horeeyey ee soo dhacay, sidoo kalena ay soo bandhigeen sawirada askartii ay ku laayeen xerada Buula-Mareer, halka war saxaafadeedka ATMIS iyo hadalka madaxweynaha Uganda, uu ahaa kaliya xaqiijin ay warbaahinta u xaqiijinayey sheegashadii hore ee Xarakada.

Daraasada ayaa lagu cadeeyey in maalmahaas oo idil ay Al-Shabaab gacanta ku hayeen warbaahinta, Hadii ay noqoto in la keeno sawiro iyo muuqaallo muujinaya wixii ka dhacay magaalada Buula Mareer, iyo maalmihii dheeraadka ahaa ee ay mujaahidiintu ku sugnaayeen dagmadaasi.

Waxaa sidoo kale daraasan cusub ee uu baahiyey mac-hadkan lagu sheegay, in Mujaahidiintu ay leeyihiin ragg heegan u ah shaqadooda, kuwaas oo full time shaqeeya marka ay jiraan weerarada waaweyn.

Dhanka kale mar diraasadu ka hadleysay taageerayaasha mujaahidiinta ee xaga Internet-ka ayey tiri” ragga qaabilsan nashrinta isdaaraatka Xarakada ee aan ku aragnay baraha bulshada, waa dad aanan lagu tilmaami karin taageerayaal la jidbeysan ururka, balse waa nidaam isku xiran oo leh taliska laga hago oo ay qorsheyaasha ku kala qaataan”.

DF Soomaaliya oo bishii October ee sanadkii 2022 soo saartay, go’aan warbaahinta looga mamnuucayo inay faafiyaan fariimaha Mujaahidiinta, dhanka kalena qaaday olole ballaaran oo baraha bulshada looga mamnuucayo rasaa’ilka Al-Shabaab, ayaa ku guuldareysatay inay is hor taag ku sameyso fariimaha mujaahidiinta bariga Africa.

Mar laga hadlayey xagga muuqaal soo saarista Al-Shabaab ayey daraasadu sheegtay, in mujaahidiintu aysan kaliya diirada saarin in fariintooda ay gaarsiiyaan dadka Soomaalida, balse ay tahay mid loo diyaariyo iney arkaan shucuubta caalamka, iyadoona muuqaaladaas lagu soo saaro luqda kala duwan sida Soomaali, Carabi, English iyo Swahili.

Waxaa sidoo kale qoraalka Global Network lagu sheegay, in mutaabiciinta warbaahinta Al-Shabaab aysan kaliya ku ekeyn geyga ay dagto Soomaalida, balse ay ku kala firirsanyihiin daafaha caalamka, laga bilaabo wadamada aynu dariska nahay ilaa qaaradaha yurub iyo Mareykanka, iyagoo kaliya kala soconaya baraha ay mujaahidiintu ku leeyihiin Internet-ka.

Mar daraasadu ay ka hadleysay sida Al-Shabaab ay uga go’antahay in ay rasaa’ilkooda gaarsiiyaan dunida ayey sheegtay, in marar badan la xiro akoonada mujaahidiinta waliba iyagoo ay ku xiranyihiin taageerayaal fara badan, “balse kama quustaan oo markale ayey dib u sameeyaan, si halkaas ay uga sii jaan qaadaan” ayaa lagu yiri qoraalka.

Inagoo soo gaarnay gunaanuda daraasada ayaa la sheegay, in awooda Al-Shabaab ee dhanka warbaahinta aysan wiiqi karin akoono la xiro, maadaama maalin walba hawada laga saaro kuwa cusub hadana ay joogistooda xaga Internet-ka ay wali sii bulaaleyso.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -04-08-1445 Hijri.
Next: Ceeldheer Oo La Duqeeyay Iyo Askar Lagu Dilay Camaara.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -06-11-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -06-11-1447-Hijri

April 23, 2026
Ciidanka Kenya Oo Toogasho Ku Dilay Qof Soomaali Ah.
  • Allposts
  • Warar

Ciidanka Kenya Oo Toogasho Ku Dilay Qof Soomaali Ah.

April 22, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -05-11-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -05-11-1447 Hijri.

April 22, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada