Jimcaale Jaamac Takar oo kooxda riddada ee garwadeenka uu ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud ugu magacownaa taliyaha qaybta 54aad ee fadhigoodu yahay magaalada Garoowe ayaa ka goostay kooxdaasi waxaanu si rasmi ah ugu biiray maamulka ashahaado-la-dirirka Puntland.
Sid ay xogtu sheegayso, wada-hadal kadib, sarkaalkan iyo maleeshiyaadkiisaba waxay si buuxda u aqbaleen inay dib ula midoobayaan maleeshiyaadka ashahaado-la-dirirka Puntland, oo ay horey uga tirsanaan jireen, ka hor intii aanay is khilaafin Saciid Deni kuna biirin maamulka Gurguurte.
Mas’uuliyiin goob-joog ka ahaa kulan xalay ka dhacay Garoowe ayaa xaqiijiyay in la isku afgartay in taliye Jimcaale Takar iyo maleeshiyaadkiisuba ay si rasmi ah uga biiraan diiwaanka xuquuqda iyo musharaharaadka ee askarta Puntland.
Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Murtad C/Raxmaan Faroole oo hormuud ka ahaa odayaal ka qayb-qaatay soo xero-gelinta sarkaalkan iyo maleeshiyaadkiisa ayaa ku dhawaaqay in dhexdhexaadinta arrintan ay si guul leh kusoo afjareen.
Heshiidkan xalay lagu soo gunaanaday magaalada Garoowe ayaa ka dhigan in gebi ahaanba uu fashilmay mashruucii murtad Gurguurte uu ku doonayay in maleeshiyaad isaga taabacsan uu ka samaysto gudaha deggaannada uu ka arrimiyo maamulka ashahaado-la-dirirka Puntland.