Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in maleeshiyaad daacad u ah Siciid Deni ay lawareegeen gacan ku heynta saldhig ay ku sugnaayeen maleeshiyaad daacad u ah kooxda Riddada Soomaaliya.
Taliska guutada 45aad ee loo yaqaan Barda dheere ayaa ugacan galay maleeshiyaadka loo yaqaan BMB ee daacadda u ah Siciid Deni.
Wararka ayaa intaas ku daraya in maleeshiyaadkii taabacsanaa kooxda Ridada ay isaga baxeen waqooyiga magaalada Gaalkacyo iyagoo u ruqaansaday dhanka gobolka Mudug.
Tani ayaa ka dhigan in maleeshiyaadka maamulka ashahaadda ladirirka Puntland ay si aad ah uwiiqeen maleeshiyaad ay ku tashanaysay kooxda Riddada.
Dhinaca kale diyaarado dagaal ayaa markale duqeymo ka geystay deegaanka Garmaal ee hoostagta degmada Eyl ee gobolka Nugaal.
Goob joogayaal ayaa sheegay in diyaaraduhu ay dhowr gantaal ku weeraro doonyo ay la socdeen kalluumeysato deegaanka ah.