Burburin iyo barakicin hor leh ayaa saaka mar kale ka bilaabantay gobolka Banaadir, kadib markii maleeshiyada Gurguurte oo wata gaadiidka Cagafta ay soo galeen xaafado ka tirsan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Cabsi, jahawareer iyo barakac ayaa soo wajahay shacabka masaakiinta ah ee deggenaa goobahan saaka la burburiyey oo ay ka mid yihiin xaafadda Cisman Heesoow ee degmada Shibis iyo xaafadda Jiira-Garoob ee degmada Yaqshiid.
Sida ay sheegeen dadka deggaanku maleeshiyaad tiro-beel ah oo aad u hubaysan isla markaana wata cagafyo ayaa saaka lasoo dhoobay xaafadahan, waxaanay bilaabeen in guryaha ay dumiyaan xilli dadka intooda badan ay hurdeen.
Shacabka ku nool goobaha la burburiyey ayaa sheegay in qaar badan oo ka mid ah qoysaska aan la siin digniin ay uga gurtaan alaabtooda iyo hantidooda, taasoo sababtay in agabyadii guryaha hoos-yaallayna ay burburaan.
Haween, carruur iyo dad waayeel ah ayaa lagu arkayay xaafadaha iyagoo ka anfariirsan howlgalkan waxashnimada ah, halka qaar kale ay bannaanka ula soo baxayeen alaabtooda iyagoo isku dayaya inay badbaadsadaan wixii kasoo haray burburka.
Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in kooxdan burcadda ah ee Gurguurte ay dadka xoog kaga rarayso dhulkooda, kadibna ay ku wareejinayso ganacsato si gaar ah looga iibiyey, iyagoo maleeshiyaadkanna ay qayb ka yihiin fulinta hawl-galkaasi.
Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in dhulkoodan oo ay deggenaayeen muddo badan laga raray iyadoo xattaa wax digniin ah la siinin, waxaanu yiri “Saaka ayaan hurdada ka soo kacnay annagoo arkayna cagafyo guryaheennii duminaaya.”
Howlgalkan bahalnimada ah ayaa sidoo kale hakad geliyay dhaq-dhaqaaqii ganacsi iyo isu socodkii xaafadahan, iyadoo waddooyinka qaarkood ay xirmeen intii kooxda Gurguurte ay ku gudo-jirtay burburinta iyo barakicinta dadka rayidka ah.
Maatida laga barakiciyey guryahooda ayaa haatan bacad-yaal ku ah gudaha Muqdisho, xilli ay jiraan roobab waaweyn iyo cadceed aad u daran, iyadoo kooxda Gurguurte ay ku mashquulsan tahay ururinta lacagaha ay ku gadatay boosaskan.
Barakacan saaka ayaa imanaya iyadoo habeennimadii xalay dagaal culus oo khasaare geystay uu ka dhacay qaybo ka mida magaalada Muqdisho, kadib markii kooxdan qawlaysatada ah ay xaafadaha Warlaliska ka bilaabeen burburin iyo barakicin xooggan.