Khasaare nafeed iyo mid hantiyeed oo hor leh, ayaa mar kale soo gaaray shacabka ku dhaqan caasimadda Muqdisho, kadib markii saaka maleeshiyaadka riddadu ay hawl-gal boob, burhurin iyo barakicin isugu jira ka bilaabeen deegaanka Warlaliska ee degmada Dayniile.
Sida ay xogtu tibaaxayso, maleeshiyaadka riddada ayaa rasaas oodda kaga qaaday dad shacab ah oo ka mudaharaadayay burburinta guryahooda, waxaana halkaasi ku dhintay ugu yaraan 3 qof oo rayid ah, halka dhaawacyadana la sheegay in ay ka badan yihiin intaasi.
Waxgaradka bulshada ku nool degmada Dayniile oo saaka hor-kacayay mudaharaadka, ayaa ugu baaqay shacabka in hantidooda iyo guryahooda ay difaacdaan, kana hor-tagaan dulmiga iyo tacaddiga ay waddo kooxda riddada ee garwadeenka uu ka yahay murtad Gurguurte.
Gurguurte iyo kooxdiisa ayaa sii xoojiyey boobka iyo barakicinta ay ka wadaan Muqdisho, xilli rajo-beel laga muujiyey nidaamka riddada isla markaana ciidamada Afrikaantu ay bilaabeen in iyagoo dullaysan ay isaga baxaan dalka Soomaaliya.