Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Maleeshiyada Gurguurte Oo Shacab Careysan Dil Iyo Dhaawac Ugu Gaystay Dayniile.
  • Allposts
  • Warar

Maleeshiyada Gurguurte Oo Shacab Careysan Dil Iyo Dhaawac Ugu Gaystay Dayniile.

May 10, 2026

Kooxda Riddada Soomaaliya ee garwadeenka uu ka yahay Xasan Gurguurte ayaa si adag uga hor-tagay mudaharaad ay mucaaradku soo abaabuleen oo la filayay in saaka oo Axad ah uu ka bilowdo magaalada Muqdisho ee caasimadda waddanka Soomaaliya.

Bannaanbaxan oo mucaaradku ay sheegeen in looga soo hor-jeedo boobka iyo barakicinta ay kooxda Gurguurte ka waddo magaalada Muqdisho, ayaa u muuqda mid fashilmay ama aan u dhicin ugu yaraan sidii ay ballantu ahayd.

Maleeshiyaad fara badan oo wata gaadiid dagaal iyo hub culus ayaa lagu daadiyey xaafadaha magaalada, waxaanay xireen waddooyinka muhiimka ah, iyadoo qaarkood-na la geeyey goobihii laga barakiciyey shacabka.

Sidoo kale maleeshiyaad aad u hubaysan oo wata gaadiidka gaashaaman ayaa lagu horgooyey guryihii ay deggenaayeen hoggaanka mucaaradka oo ay ka mid yihiin muradiinta kala ah Shariif Sheekh, C/Raxman C.Shakuur, C/Kariim Guuleed iyo Cabdi Qaybdiid.

Waxa kale oo jira in murtadiin ay ka mid yihiin Xasan Cali Khayre, Maxamed Xuseen Rooble iyo C/Raxmaan Caynte oo iyaguna isku dayay inay guryahooda kasoo baxaan ayaa lagu hor-jaray gawaari hubaysan waxaana lagu amray in guryahooda ay dib ugu laabtaan.

Shariif murtad oo saaka la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in 5 saac la isugu yimaado garoonka Koonis, oo ah goobta kaliya ee maamulka Gurguurte ogol yahay in mucaaradku ay ku qabsan karaan bannaanbaxyada.

Fulinta go’aankan ayaa mar kale fashilmay, kadib markii ay mar kale hor-is-taag ku samaysay kooxda Gurguurte, waxaase jira dibad-baxyo kooban oo aroortii hore ee saakaba ka bilowday degmada Dayniile, halkaas oo ay isugu soo baxeen dadka rayidka ah ee ku nool degmadaasi.

Maleeshiyaadka Gurguurte ayaa isla markiiba weeraray goobtii uu mudaharaadku ka socday, waxaanay rasaas huwiyeen dadkii shacabka ahaa ee bannaanbaxayay, ilo-wareedyo ayaa sheegaya in askarta riddadu ay halkaasi ku dileen ugu yaraan 1 qof oo shacab ah, saddex kalena ay ku dhaawaceen.

Si kastaba ha ahaatee, xaaladda caasimadda Muqdisho weli waa mid kacsan, welina mucaaradku waxay sheegayaan in aanay quusan oo ay dhigayaan bannaanbaxyada, balse kooxd Gurguurte ayaa iyaduna dhankeeda isku dayaysa inay awood ku muquuniso kooxaha kasoo hor-jeeda.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -23-Dulqicdah-1447-Hijri
Next: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -23-11-1447 Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -27-01-1448-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -27-01-1448-Hijri

July 11, 2026
Suuqyada Boosaaso Oo Maanta U Xirnaa Lacago Uu Soo Rogay Maamulka Deni.
  • Allposts
  • Warar

Suuqyada Boosaaso Oo Maanta U Xirnaa Lacago Uu Soo Rogay Maamulka Deni.

July 11, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -26-01-1448 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -26-01-1448 Hijri.

July 11, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.

July 6, 2026
Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada